Waxaa caawa ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo bishaan 21keedii rag hubeysan ay dhaawac ugu geysteen degmada Wadajir xili uu kasoo baxayay masaajid uu kusoo tukaday.
Wariyaha ayaa waxa uu mudooyinkaanba ku jiray isbitaalka Madiina oo lagu dabiibayay ayada oo ay xaaladiisa soo hagaagaysay balse saakay ayuu naqasku ku xirmay ayada oo uu caawana ku geeriyooday isbitaalka Madiina.
Allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare ayaa waxa uu kamid ahaa wariyayaasha idaacada Shabeele ee magaalada Muqdisho isaga oo wax ku qori jiray websiteka idaacada Shabeele isla markaasna barnaamish soo saare ka ahaa TVga iyo idaacada Shabelle.
Magaalada Muqdisho ayaa sanadkaan gudihiisa waxaa lagu dilay tiro wariyayaal ah ayada oo guud ahaana dalka Soomaaliya uu noqday sanadkaan meelaha ugu halisan ee ay wariyayaashu ka howlgalaan.
Idaacada Shabeele ayaa si gaar ah waxaa looga laayay tiro wariyayaal ah ayada oo inta badan wariyayaasheeda la beegsado.
Hadaanu nahay shabakada warbaahinta baidoamedia.com waxaan Illaah uga baryaynaa inuu wariyaha janadii Fardowso ahayd ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com