Monday, May 20th, 2013

Wariye lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi Allaha u naxariistee wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo kamid ahaa wariyayaasha gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Xiliga wariyaha la dilayay ayaa waxa uu kusii jeeday gurigiisa ayada oo ay dilkiisana geysteen rag bistoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la garanayn.

Wariye Farxaan ayaa waxa uu u shaqayn jiray idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo ayada oo uu dilkiisuna ka dhacay xaafada Garsoor oo noqotay halka inta badan lagu beegsado wariyayaasha ka hawlgalo gudaha magaalada Gaalkacyo.

Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa kusoo badanayo beegsiga suxufiyiinta ayada oo Soomaaliya lagu tiriyo meelaha ugu halisan aduunka ee ay wariyayaashu ka hawlgalaan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.