Waxaa goor dhaw lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdullaahi Faarax oo u shaqaynayay wakaalada wararka u faafiso dalka Yemen ee SABBA.
Dilka wariyaha ayaa dhacay xili uu kasoo baxayay gurigiisa ayada oo ay geysteen rag hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ayada oo ay durba ka baxsadeen halkaas.
Dilka wariyahaan ayaa noqonayo kii labaad mudo 24 saac gudahood ah ayada oo shalay wariye kale lagu gowracay magaalada Muqdisho.
Dilalka wariyayaasha ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho mudooyinkii ugu dambeeyayba ayada oo tiro wariyayaal ah mudooyinkii ugu dambeeyay lagu laayay magaalada Muqdisho.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com