Thursday, June 20th, 2013

Wariye dhaawac halis ah loogu geystay magaalada Muqdisho.

Waxaa dhaawac halis ah loo geystay wariye ka tirsan idaada Shabeele kaasoo wax ku qora websiteka idaacada  Shabelle, wariyaha la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuur Tuuryare ayada oo ay dhaawacana u geysteen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Wariye Tuuryare ayaa waxa uu kasoo baxay masjid ku yaalo degmada Wadajir ee magaalada Mudisho halkaasoo uu salaadii maqrib kusoo tukaday marka rasaasta lala dhacayay ayada oo ay dadka deegaanka war geliayeen ciidamada dowlada oo kasoo gaaray kahor dableyda oo rabtay inay dhaawiciisa dhameystirto halkaasna ay is rasaaseyn ka dhacday.

Wariyaha oo uu dhaawiciisu halis yahay ayaa hada lagu daweynayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Bashiir Xaasho oo ka mid ah howlwadeennada Idaacadda Shabelle.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa si gaar ah waxaa loo beegsanayay wariyayaasha idaacada Shabelle.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply