Wariye Cabdulqaadir Cumar Cabdulle oo u shaqeynayay ayaa waxaaa goor dhow lagu dhaawacay magaalada Muqdisho ayada oo ay rasaas la beegsadeen kooxo ku hubeysan bistoolado.
Wariye Cabdulqaadir Cumar Cabdulle oo kamid ah wariyayaasha ugu shaqada badan TVga UNIVERSAL laantiisa magaalada Muqdisho dhaawiciisa lagu sheegay inuu yahay mid culus sida uu sheegay Ibraahim Xuseen Jeekeey oo kamid ah howlgaleenada TVga UNIVERSAL ee magaalada Muqdisho.
Wariyaha ayaa waxaa hada lagusoo waramayaa inuu ku jiro qaybta deg dega ee isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay wararka qaar sheegayaan in qaliin lagula sameynayo.
Wariye Cabdulqaadir Cumar Cabdulle waxa uu ku sugnaa banaanka gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii ay rag bastoolado ku hubeysan rasaas kala dhaceen lugta iyo caloosha.
Bilooyinkii ugu dambeeyayba waxaa ka dhacayay magaalada Muqdisho weeraro lagu beegsanayay wariyayaasha ka howlgalo magaaladaas ayada oo ay dilal dhowr ahna kula beegsadeen halkaas wariyayaashaas qaar dabley inta badan lagu sheegayo inay ka tirsanyihiin Xarakada Alshabaab.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com