Monday, May 20th, 2013

Wariyayaal lagu xir xiray magaalada Nairobi.

Magaalada Nairobi oo uu maanta ka dhacay qarax lala beegsaday kaniisad ku taalo xaafada ay Soomaalidu ku badantahay ayaa waxaa lagusoo waramayaa inay boolisku xir xireen saxafiyiin u shaqaynaysay tvga Horn Cable.

Wariyayaashan oo aan magacyadooda helnay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdifataax Maxamed Cilmi dheere oo ah madaxa barnaamijyada ee tvga Horncable ee magaaladda Nairobi, agaasimaha HCTV Nairobi Axmed C/raxmaan Haybe, iyo farsamayaqaan C/casiis Ibraahim, illaa haatana ma jiro warar faahfaahsan oo ku saabsan xarigooga.

Xiliga la xir xirayay ragaan saxafiyiinta ah ayaa ku sugnaay kaniisadii uu qaraxu ka dhacay ayaga oo damacsanaa inay duubaan, booliiska Kenya ayaa sheegay inay baariitaan ku sameynayaan raggaan haddii ay dembi ku waayaana ay soo dayn doonaan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply