Golaha amaanka qaramada midoobay ayaa ku eedeeyay dalalka Rwanda iyo Uganda inay hubeynayaan koox mucaarad ah oo dagaal kula jirto dowlada Kongada dimuqraadiga islamarkaasna halis ku ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada midoobay ee ku sugan dalka Kongada dimuqraadiga.
Sida ay ay sheegtay warbixin ay Qaramada mibooday soo saartay, wasiirka gaashaandhiga dalka Rwanda ayaa xukuma kooxda mucaaradka ah ee dagaalka ka wado dhanka bari ee Jamhuuriyada dimuqraadiga eeKongo ayada oo ay dalalka Rwanda iyo Uganda ciidamo u direen dalka Kongo si ay uga bar bar dagaalamaan kooxda mucaaradka ah ee M23.
Warbixinta oo qarsoodi ahayd ayaa waxaa soo saaray koox khubaro ah oo ka socota golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaga oo ku eedeeyay dalalka Uganda iyo Rwanda inkastoo ay si adag u beeneeyaan ay taageero la garab taaganyihiin kooxda mucaaradka ah ee M23 dagaalka ay kaga jirto gobolka dhanka bari ee Koongada dimuqraadiga ku yaala ee Kivu mudada lixda bilood ah.
Warbixinta oo ka kooban 44 bog ayaa waxaa aragtay Talaadada maanta ah wakaalada wararka ee Reuters.
” Rwanda ayaa si guud ah gacanta ugu hayso kooxda mucaaradka ah ee M23 ayada oo u sameysa qorshayaasha istaraatiijiga ah” ayaa lagu sheegay warbixinta, sidoo kale warbixinta ayaa lagu yiri, ” Rwanda waxa ay sii wadaa inay ku xadgudubto cunaqabateynta hubka ayada oo si toos ay taageero milatari ugu fidisa kooxda M23 ee mucaaradka ah, una fududeysa ciidamo qorista, dhiirigelisa inay ciidamada Kongo kasoo goostaan dowlada kunasoo biiraan mucaaradka, siisa hub rasaas, sirdoon iyo talooyin siyaasadeed waa sida lagu sheegay warbixintee.
Bosco Ntaganda, oo ah jeneraal horay uga tirsanaa ciidamada dalka Kongo oo ay doon doonayso maxkamada dembiyada caalamka loona haysto dembiyo dagaal ayaa xukumo ciidamada kooxda mucaaradka ah ee M23, hogaamiyaha kooxda M23 Sultani Makenga ayaa isna ka masuul ah isku dubaridka howlgalada ayada oo la kaashanayo kooxo kale oo hubeysan, sida ay sheegtay warbixinta UNka.
Eedaynta ka dhanka ah dalalka Rwanda iyo Uganda ayaa ah mid culus marka loo eego miisaankeeda, hadaba haddii la hor keeno golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxaa suurta gal ah in tallaabooyin adag oo ka dhan ah labadaan dal la qaato.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com