Degmada Labaatan Jirow oo kamid ah degmooyinka gobolka Bay ayaa waxa ay kamid tahay degmooyinka mudooyinkuu ugu dambeeyayba soo korayay ayada oo ay degmada ka socdaan dhismooyin xawli ku socda.
Labaatan Jirow waxa ay caan ku ahayd xiligii dowladii milatariga ee dalka Soomaaliya xabsi inta badan lagu xiri jiray dadka arimaha siyaasada loosoo xiro.
Degmada waxaa dhex marta wado muhiim ah oo isku xirta gobolada Bay iyo Bakool, gaar ahaan wado kasoo baxda magaalada Baydhaba tagtana magaalada Xudur.
Inkastoo ay meelaha qaar dayactir u baahantahay wadadaas ayaa hadana waxaa isticmaala gaadiidka kusii jeeda magaalada Xudur.
Dhanka kale, degmada Labaatan jirow waxa ay leedahay MCH lagu daweeyo hooyada iyo dhallaanka, sidoo kalena waxaa socda qorshe lagu dhisayo isbitaal ay yeelato degmada, sidoo kale degmada waxaa kajiro adeega isgaarsiinta teleefoonada iyo weliba qayb ahaan koronto.
Dhaqaalaha degmada Labaatan jirow ayaa waxa uu ku tiirsanyahay wax soo saarka beeraha iyo weliba dhaqashada xoolaha nool ayada oo ay jiraan sidoo kale goobo ganacsi sida dukaamo, maqaayadaha laga cunteeyo iyo goobo kale.
Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqato inay degmada Labaatan jirow ku tallaabsanayso horumar dhan kastaba ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com