Boqolaal ciidamo Soomaali ah ayaa uu tababar uga socdaa dalka Uganda gaar ahaan xerada lagu magacaabo BIHANGA oo 7 saac u jirto marka gaari lagu safrayo magaalada caasimada u ah Uganda ee Kampala.
Ciidamada Soomaalida ayaa waxaa tababarka siinayo ciidamo ka socda dalalka midowga Yurub gaar ahaan dalal ay kamid yihiin Jarmalka, Putuqaal iyo Spain.
Ciidanka tababarka la siinayo ayaa u badan dhalinyaro ayaga oo ku tababarto dhul howd ah oo laga dhisay guryo kor ka feedan si ay tababarkooda ugu qaataan.
Waxyaabaha la barayo ciidamada Soomaalida ayaa waxaa kamid ah sida loo adeegsado iyo weliba luuqada ciidanka ee taararka si ay u kala ogaadaan inay saaxiib ama cadaw la hadlayaan.
Ciidamada Soomaalida ayaa waxaa qayb ka ah ilaa iyo sideed haween ah kuwaasoo gaar looga dejiyay ciidamada kale ee ragga ah, sidoo kale dugsiga tababarka BIHANGA waxaa ku yaalo guryo dhagxaan ah oo ay dhisteen saraakiisha tababarayaasha ah ee reer Yurub halka ay ciidamo Yugaandhees ah oo waardiyeeya xerada sugana amaankeeda ay qoysaskooda la deganyihiin hareeraha xerada.
Waxaa jiro macalimiin dhowr ah oo reer Yurub ah oo iskaga tagay xerada kadib markii ay u adkeysan waayeen xaaladaha nololeed ee halkaas gaar ahaan cimilada iyo ayada oo ay kaneecadu ku badantahay bahalada halaqa ahna ay ku badanyihiin.
Dhibka ugu badan ee kala haysto ciidamada Soomaalida ah ee tababarku u socdo iyo macalimiintooda Yurubiyaanka ah ayaa ah in xaga luuqada ay isla keeni la’yihiin oo ay cabaar qaadato in hal jumlo la fahansiiyo tababartayaasha Soomaalida ah.
Iskusoo wada duuboo, qayb kamid ah ciidamada Soomaalida ee hada tababarka qaadanayo oo dhowr boqol ah ayaa la filayaa inay dhamaadka sanadkaan soo gaaraan dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com