Weli waxaa ka socoto magaalada Muqdisho soo xulitaanka xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlaaamka cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso inkastoo shalay oo ay taariikhdu ahayd 07.08.2012 ku ekayd qabashada liisaska magacyada xildhibaanada cusub.
Malaaqa beesha Geelidle ee Digil iyo Mirifle ayaa lagusoo waramayaa in lagusoo celiyay liiskii uu gudbiyay kadib markii ay dacwad kaga timid waxgaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beeshaas.
Beelaha Xariin, Luwaay, Leysaan, Hadame, Boqolhore iyo Geelidle ayaa weli isku dhegan inkastoo ay malaaqyada iyo nabadoonada beelahani soo gudbiyeen liisaska magacyada xildhibaanada cusub ee kamid noqonayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Malaaqa beesha Boqolhore ayaa waxaa ku dhegan gudiga soo xulista xildhibaanada iyo hubintooda kadib markii liiskiisa laga waayay haweeneey ayada oo ay gabar wariye ah oo beeshaas kasoo jeedo dacwad ku furtay malaaqa.
Malaaqa beesha Xariin ayaa waxaa dacwad ku furay aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beeshaas kadib markii uu diiday inuu latashi sameeyo.
Malaaqyada beelaha Leysaan iyo Hadame ayaa lagu haystaa inay dib usoo celiyeen xildhibaanadii hore oo ay qaarkood yihiin hagaamiye kooxeedyo hore halka qaarna ay yihiin kuwo ay aqoontooda liidato.
Sidoo kale malaaqa beesha Luwaay ayaa waxaa ku dhegan beeshiisa ayada oo malaaqa beesha Geelidlana ay dacwad ku furtay beesha uu matelayo oo kusoo eedaysay inuu go’aan shaqsiyadeed qaatay isaga oo aan cidna la tashan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com