Friday, May 24th, 2013

Wararkii ugu dambeeyay ee xildhibaanada cusub ee beelaha Digil iyo Mirifle.

Ayada oo ay weli taagantahay is qab qabsigii ka dhex jiray beelaha Digil iyo Mirifle iyo guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ayaan halkaan idiinka soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee beelaha Digil iyo Mirifle iyo xildhibaanada cusub ee ay malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle soo gudbiyeen.

Malaaqa beesha Leysaan ayaa waxaa lagusoo celiyay liiskii guud ahaan sadexdii qofood ee uu gudbiyay kuwaasoo kala ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade, Fanax iyo nin magaciisa lagusoo koobay Afar Indhood.

Xaabsade ayaa lagu eedaynayaa inuu kamidyahay eedaysanayaasha dembiyada dagaal ka galay Soomaaliya sidaas darteed waxaa ka hor yimid xafiiska siyaasada ee UNPOS, Fanax waxaa lagusoo celiyay inuu yahay nin aan aqoon lahayn halka xildhibaanka Afar Indhood magaciisa lagusoo koobayna gebi ahaanba la sheegayo in laga iibshay booskaas oo aanu u dhalan beesha Leysaan isaga oo kasoo jeeda beesha Warsangeli Daarood!

Malaaqa beesha Xariin ayaa lagusoo celiyay mid kamid ah sadexdii xildhibaan ee uu gudbiyay taasoo ah qof dumar ah oo lagu magacaabo Maryan Macalin isla markaasna lagu sheegay inaysan haysan shahaadada dugsiga sare inkastoo ay leedahay khibrad iyo waayo aragnimo xaga shaqada dowliga ah ayada oo 4tii sano ee ugu dambeysay kasoo shaqaysay wasaarada arimaha haweenka.

Boos uu ka rajo qabay xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa lagaga iibshay malaaqa beesha Dabare sida ay wararku sheegayaan lacag dhan 20 000 dolar labaatan kun oo doolar kaasoo lagu bedelay qof haweenay ah ayada  oo ay lacagtaasna bixiyeen Shariif Xasan iyo Shariifka dalaalka u ah ee Maxamed Cabdullaahi sidaasna uu Madoobe Nuunow banaanka kusoo dhacay.

Waxaa laga cabsi qabaa in lasoo celiyo sidoo kale Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraale oo ay jirto hadal hayn ah in lagu haysto inay dembiyo dagaal galeen.

Dhanka kale, waxaan weli lasoo gudbin hogaamiye kooxeedyada beelaha Hawiye ayada oo ay badankoodna qabaan wal walka ah innaan la aqbalin magacyadooda iyo xildhibaanimadooda maadaama ay Qaramada midoobay iyo dalalka reer Galbeedka kasoo horjeesteen in lagusoo daro xildhibaanada cusub dagaal oogayaashii hore ee Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply