Waxaa soo baxayo warar sheegayo in la ogolaaday hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya inay kamid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo horay looga reebay.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay maxkamada sare beri ku dhawaaqi doonto magacyada hogaamiye kooxeedyadaan halka warar kalena ay sheegayaan in gudigii farsamada ee soo xulista xildhibaanada lagu qasbay inay ayaga beri ku dhawaaqaan.
Aqriso Qaar kamid ah Xubnaha la ogolaaday
Beesha Hawiye
1-Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish)
2- Maxamed Qanyare Afrax
3-Bootaan Ciise Caalin
4-Axmed Ducaale Geelle Xaaf
5-Cumar Furdug
6-Xirsi Aadan Rooble
7-Maxamed Faarax Jimcaale
Digil iyo Mirifle
8-Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
9-Maxamed Ibraahin Xaabsade
10-Maxamed Xuseen Afaraale
Dir
11-Janaraal Axmed Warsame
12-Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf
13-Prof C/Raxmaan Xaaji Aadan(Ibbi)
Haddii ay rumowdo fasaxida la fasaxay hogaamiye kooxeedyadaan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa ayada oo beri lagu wado in la doorto gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com