Friday, May 24th, 2013

War-Saxaafadeed

Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Axad, Setember 16, 2012

Wadajir Danta Guud waxay u hambalyeyneysaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Isbaddal ayaa ka dhacay Soomaaliya; Wadajir Danta Guud waxay u aragtaa isbaddalkan dhacay talaabo horay loo qaaday weyna soo dhaweyneysaa.

Shaqada sugeysa hoggaanka cusub waa shaqo aad uu badan.  Innagoo tixgalineyna khibradda uu u leeyahay madaxweynaha cusub mudane Xassan Sheekh Maxamuud nabadraadinta, waxaan rajeyneynaa in uu guto waajibaadkiisa ah xoojinta qaranimada Soomaaliyeed.  Waxaan kaloo rajaynaynaa in uu joojiyo faragalinta shisheeye, soona celiyo midnimadii bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan madaxweynaha cusub ugu duceyneynaa in Ilaah u fududeeyo gudashada xilkiisa qaran.

-Dhammaad-


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply