Wednesday, May 22nd, 2013

War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ee Rome.

Shirka 22aadee Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG) ayaa lagu qabtay Rome 2da ilaa iyo 3daLuulyo 2012 iyadoo uu guddoominayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya qaramadamidoobay Dr. Augustine Mahiga iyo wadamada Norway iyo Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda TalyaanigaGiulio Terzi, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Sharif Hassan Sheikh Adan,Raisul wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali iyo wakiilo ka socda Puntland, Galmudug iyoAhlu Sunna Wal Jamaca ayaa dhamaan shirka ka hadlay.

Hanaanka Siyaasadeed

Kooxda xiriirka caalamiga ayaa dib-ufiirin ku sameysay horumarada siyaasadeed waxayna ku cel celisay sida ay ugago’antahay xiliga ku meel gaarka inuu dhamaado 20ka bisha siddeedaad 2012 sidaku xusan Axdiga ku meel gaarka, heshiiskii Jabuuti, heshiiskii Kampala,Roadmap-ka iyo shirarkii wadatashiyadaahaa ee xigay. Gaar ahaan, Kooxda ICG ayaa soo dhoweysay heshiiska ay wadagaareen madaxda dowladda mar ay shir isagu imaadeen magaalada Nairobi 22 Juneisla markaana isku af gartay qabyo qoraalka kama dambeysta ah. Qabyo qoraalkaayaa la hor keenayaa Golaha Dastuurka Qaranka si ay u saxiixaan si ku meel gaarahaan.

Kooxda ICG ayaa walaac ka muujisaydib-u dhaca mar walba ku yimaada wakhtiyada kama dambeysta ah ee loogu talagalay in hawlaha lagu dhameystiro. Kooxda ayaa waxay ka codsatay dincayadaSoomaalida inaysan dib-uga dhicin wakhtiyada hawlaha loogu tala galay sidafuritaanka (12ka Luulyo) iyo xiritaanka (20ka Luulyo) Golaha Dastuurka Qaranka,iyo in lasoo xulo Barlamaanka federaaliga ayna dhacdo doorashada afhayeenkaBaarlamaanka cusub iyo ku/xigeenadiisa (4ta August) iyo doorashada madaxweynaha(20ka August). ICG ayaa codsatay in si de deg ah ay hawshooda u bilaabaangudiga dhex dhexaadinta odayaasha, xafiiska is-ku duwidda saxiixayaashaRoadmap-ka, gudiga fududeynta farsamada iyo gudiga doorashada farsamada silooga qeyb galiyo hanaanka doorashada.

Midda ku saabsan baarlamaanafederaaliga ah ee cusub, kooxda waxay sheegeen in loo baahan yahay inbaarlamaanka cusub uu ahaado mid ka shaqeeyo rabitaanka shacabka gaar ahaantayada xubnaha baarlamaanka, dheeli tirnaan xagga jinsiyada iyo awooda fulintago’aanada dowladda.

Khariidad shaqo ee isku dhafan waa inloo hagaajiyaa baarlamaanka cusub iyo dowladda taasoo looga gol leeyahay inlagu xoojiyo qaab dhismeedka laanta sharci fulinta dowladda si sare loogaqaado ilaalinta xuquuqda aadanaha iyocadaaladda.

Kooxda ayaa hoosta ka xariiqday fariintii ay si wadajir ah u qoreen kuna saabsaneydqas-wadayaasha iyo kuwa ka soo horjeeda geedi socodka nabadda in loo gudbinayogolaha wasiiraha ee IGAD iyo kooxda daba galka ee QM si cuna qabateyn looga soo oogo.

Kooxda ICG ayaa xustay horumarada lagasameeyay Roadmap-ka waxayna ku baaqeen in la dhameystiro hawlaha dhiman. Balsewakhti xaadirka waxaa diiradda la saarayaa dhameystirka xiliga kumeel gaarka.Kooxda ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda cusub ee Soomaaliya in ay dejisoqaab lagu doonayo in laisla wada arko waxyaabaha mudnaanta la siinayo 60ka beriee ugu horeysa. Kooxda ayaa balan qaaday inay gacan ka geysanayso shirka uguhoreeya ee la qabanayo dowladda cusub bisha September kaasoo lagu falan qeynayowaxyaabaha muhimadda la siinayo.

Kooxda ayaa cambaareysay weerarkii laguqaaday kaniisad ku taala Kenya iyo afduubidda shaqaale samafal.

Kooxda ayaa balan qaaday inay gacan kageysaneyso taageerida ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharciga.

Qodobka Nabad galyada

ICG waxay amaantay guulaha militeri eeay gaareen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda iyo xulafadooda sida dowladdaEthiopia iyagoo ka hor tagay khatarta kooxaha Al-shabab.

Kooxda ayaa ku cel celisay taageeradaay u hayaan ehelada dadka ku geeriyooday dagaalada. Iyagoo aqoonsaday in AMISOMay ku guuleysatay ilaalinta rayidka hadana ugu yeertay kooxaha isku hayaSoomaaliya inay ilaaliyaan shaacabka gaar ahaan haweenka iyo caruurta. Waxaybaaq u direen hey’adaha gargaarka in gargaarka ay gaarsiyaan kuwa u baahan.

Inta lagu guda jiray shirka, ICG waxayaqoonsatay saxiixa Hussein Arab Isse oo ah ku/xigeenka raisulwasaaraha/wasiirka difaaca iyo midka Dr. Augustine Mahiga oo ah wakiilka gaarkaah ee xoghaya QM kaasoo ku saabsan qorshe laisla wada meel dhigay ee askareyntacaruurta.

ICG ayaa soo dhaweysay qorshaha golahaammaanka ee QM 2036 kaasoo balaariyay waajibaadka hawlgalka AMISOM iyokordhinta ciidamada AMISOM. Kooxda ayaa soo dhoweysay ciidamada Jabuuti, Kenya,Nigeria iyo Sierra Leone. Kooxda waxay kaloo soo dhoweysay dadaalada dowladdaKMG sida ay u dooneyso inay u mideyso ciidamada dowladda si hal meel looga wadaxukumo. Teegeero loo fidinayo AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaakamid ahaa waxyaabaha ay soo dhoweysa kooxda isla markaana ciidamada hore eedowladda in la taageero iyaga iyo reerahooda.

Kooxda ayaa ugu baaqday Al-shabab iyokooxaha kale inay colaadda joojiyaan ayna ku soo biiraan hanaanka nabadeed.

Sanadada soo socda, Soomaaliya waxaalaga rabaa inay gacanta ku dhigto ammaanka iyo bixinta mushaaraadka shaqaalahadowladda isla markaana de dejiso sameynta ciidamo qaran oo suga ammaanka.

Madaxa kooxda ICG ayaa soo magac qaadayarrin soo cusboonaatay oo ku saabsan burcad badeeda. Kooxda ayaa soo magacqaaday warbixintii ugu dambeysay ee Shirkii Dubai ee ka hor tagga burcadbadeeda kaasi oo la qabtay bisha June 28 si dowladaha gobolka ay awood lagula dagaalamayo burcad badeeda u yeeshaanisla markaana lagu dhowrayo shuruucda caalamiga ee la dagaalanka burcadbadeeda.

Qodobka Xasilinta

Iyadoo goobo badan lagala wareegaykooxaha Al-shabab, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo maamulo ka arimiyagoobahaasi si loo sugo ammaanka goobahaasi. Kooxda ayaa qoonsatay dadaaladadib-hushiisiineed iyo xasilineed ee dowladda kumeel gaarka. Waxaa kaloo goobtashirka laga sheegay qoraal ay soo diyaarisay dowladda Talyaaniga kaasoo tusmemise hage u noqon kara qorshayaasha dowladda ee cusub.

Kooxda ayaa waxay amaantay horumaradamaamulada Somaliland, Puntland, Galmud iyo Ahlu Sunna Wal Jamaca kuwasoo sugayamaanka isla markaana keenay maamul wanaag. Dadaaladan waan is la sii wadaalana taageeraa.

Qodobka cadaaladda

Kooxda waxay hoosta ka xariiqeenbaahida loo qabo in la sameeyo laan cadaaladda ka shaqeysa ee madax banana gaarahaan taageerida cadaalad loo sameeyo haweenka iyo kooxaha taagta daran. Kooxdaayaa balan qaaday in maamulo iyo maxkamado loo sameeyo goobaha la xoreeyay.

Xiriirkacaalamiga

Kooxda ayaa soo dhoweysay natiijooyinkashirarka qabsoomay laga soo bilaabo bisha labaad (February). Shirkii London ayaadar dar geliyay hanaanka siyaasadeed, taageerida AMISOM iyo ciidamada dowladdaiyo dadaalo la soo cusbooneysiyay ee lagula dagaalamayo burcad badeedda iyoargagixisanimada.

Gole la xisaabtamo dhaqaalaha dowladdaisla markaana ka hor taga musuqmaasuq waa muhiim in la sameeyaa.

Shirka labaad ee lagu qabtay Istanbulayaa soo shaac bixiyay muhimadda dib- u heshiisiinta, hey’ado u sameyntadowladda iyo dib- u dhiska laamaha dowladda. Gaar ahaan shirka Istanbul wuxuuxoogga saaray baahida loo qabo in dhaqaale lagu dayactiro wadooyinka iyogoobaha muhiimka ah ee dowladda, fududeynta waxyaabaha aasaaska u ah nolosha.Shirka saddexaad ee lagu qabtay Dubai ayaa isna waxaa ka soo baxay qodobomuhiim ah oo ku aadan ka hor tagga burcad badeeda.

Kooxda ICG ayaa sheegtay inay is-bedelku sameyneyso qaababkeeda shaqo si looga diyaar garoobo dhamaanshaha xiligakumeel gaarka isla markaana loo taageero Soomaaliya. Is-bedelada ayaa waxaakamid ahaan doona hagaajinta koox masuul ka noqota hanaanka siyaasadeed iyoxoojinta xiriirka ururada horumarineed, midda cadaaladda iyo ammaanka.

Kooxda xiriirka caalamiga ICG ayaa umaha celisay dowladda Talyaaniga sida wanaagsan ay u marti qaadeen shirkawaxayna soo dhoweeyeen balan qaad wadanka Koofur Afrika uu sameeyay inay martigalineyso shirka xiga ee 2013.

Ka qayb galayaasha/Kormeerayaasha

African Union, Belgium, Burundi,Canada, China, Denmark, Djibouti, East African Community, Egypt, Ethiopia,European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority onDevelopment, International Development Law Organisation, Islamic DevelopmentBank, Italy, Japan, Kenya, Korea (Republic), League of Arab States,Netherlands, North Atlantic Treaty Organisation, Norway, Organisation ofIslamic Cooperation, Qatar, Saudi Arabia, Somalia (TFG, TFP, Puntland,Galmudug, Ahlu Sunna Wal Jama’a), South Arica, Spain, Sudan, Sweden,Switzerland, Turkey, Uganda, United Arab Emirates, United Kingdom,United Nations, United States of America and the World Bank.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply