Thursday, June 20th, 2013

Wakhtigii qabashada araajida musharaxiinta madaxweynanimada oo lasoo gaba gabeeyay.

Waxaa galabta ku ekayd qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 10 bishaan aan ku jirno oo ku beegan Isniinta soo aadan.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo ah afhayeenka gudiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay inay musharaxiinta ilaa iyo hada soo buuxiyay sharuudaha tiradoodu mareyso 25 ayada oo galabta wixii ka dambeeyana aan la qaban doonin codsiyada musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaa lagu wadaa inay beri hor tagaan xildhibaanada si ay waxqabadkooda ugusoo bandhigaan una weydiistaan codadkooda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply