Sunday, May 19th, 2013

Wafuud booqasho ku joogta magaalada Baydhabo.

Wafuud kala duwan ayaa waxa ay booqasho ku joogaan magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Bay. Wafuudaan ayaa waxa ay ka kala socdaan dowlada FKMG Soomaaliya, Qaramada midoobay, urur goboleedka IGAD iyo midowga Afrika.

Kusimaha agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Nuur Axmed Diiriye oo hogaaminayay wafdigan ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu yahay sidii la isugu xiri lahaa maamulada gobolada dalka, isla markaana looga shaqeyn lahaa ammaanka iyo arrimaha bulshada.

Mr Diiriye waxa uu sheegay inay kulano la qaateen maamulka gobolka Bay islamarkaasna ay kawada hadleen arimaha xaga amniga iyo sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta iyo isku xirka maamulada gobolada iyo dowlada FKMG Soomaaliya, ”Waxaan hada joognaa Madaxtooyadii Gobolka Baay, waxaan la kulanay Maamulka Gobolka, Culumaa’udiinka Haweenka, Ururada dhalinyarada, waxaa ka wada hadalnay isku xirka maamulada ee dhinaca nabad gelyada” ayuu yiri Nuur Axmed Diiriye.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Bay ee dowlada FKMG Soomaaliya mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay booqashada wafdigaan.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply