WADAHADALADII DOWLADA SOOMAALIYA IYO MAAMULKA SOMALILAND OO DIB U FURMAYA.

Sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu dib u furmayo wareega labaad ee wadahadalka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ee federaalka ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay wadahadaladaan daba socdaan kuwii horay uga dhacay dalalka Ingiriiska iyo Iimaaraadka Carabta, balse wasiirku waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in qof kasoo jeeda deegaanada Somaliland kana tirsan dowlada Soomaaliya inuu ka qayb galo wadahadalka taasoo loo fasiran karo wasiirada arimaha dibada ahna raisalwasaare kuxigeenka Soomaaliya  marwo Fowziyo.

Hadalka kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa imanaya xili uu dhawaan sheegay raisalwasaaraha Soomaaliya inay dib u furmi doonaan wadahadaladii u dhexeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland lana filayo inay wax wanaagsan kasoo baxaan.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID