Wednesday, May 22nd, 2013

Wadada Maka Al-Mukarama oo si kmg loo xirayo. (Sababtu maxay tahay?)

Gudiga amniga qaranka ayaa maanta sheegay in laga bilaabo 10 bishaan si kumeelgaar ah loo xirayo wadada Maka Al Mukarama iyo wadooyin kale oo ku yaala caasimada Muqdisho.

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho gudiga amniga qaranka islamarkaasna ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada KMG Soomaaliya, agaasimaha hay’ada nabadsugida qaranka, saraakiil ciidan iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayay kaga dhawaaqeen gudigu in si kmg loo xirayo wadada Maka Al Mukarama iyo wadooyin kale xili uu dalka galayo marxalado looga gudbayo kmgnimada.

Shirka maanta oo ahaa mid lagaga hadlayay arimaha amniga gobolka Banaadir ayuu wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ku amray hay’adaha iyo NGOyada inay isasoo diiwaan geliyeen islamarkaasna aanay cidina hub aan sharci ahayn ku dhex qaadan karin caasimada oo ay ka socdaan hada shirar muhiim ah.

Maalmihii ugu dambeeyayba waxaa ka socday magaalada Muqdisho howlgalo xaga amniga ah oo ay si wada jir ah u wadeen ciidamada nabad sugida dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaasoo lagusoo qab qabtay kumanaan dad ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply