Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa waxa ay maanta toogteen wadaad caan ahaa oo lagu magacaabayay Aboud Rogo Mohammed kaasoo ku sugnaa magaalada Mombasa oo uu ka wacdin jiray dadka.
Wadaadka ayaa isaga iyo qoyskiisa waxa ay saarnaayeen gaarigiisa isaga oo kaxeynayay gaariga markii la dilayay. Aboud Rogo Mohammed ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Xarakada Alshabaab isaga oo ciidamaana u qori jiray.
Dowlada Mareykanka ayaa horay ugu dartay Sheekh Aboud Rogo Mohammed liiskeeda madow ee waxa loogu yeero argagaxisada.
Dilka wadaadka kadib ayaa waxaa iskusoo baxay boqolaal taageerayaasha wadaadka ah kuwaasoo ku qaylinayay hal kudhigyo uu magaciisa kamid yahay ayaga oo wadooyinka xiray islamarkaasna ciidamada booliska ay isku dhaceen.
Dadka ayaa waxa ay xireen wadada weyn ee isku xirto magaalooyinka Mombasa iyo Malindi waxaana lasoo sheegayaa inay ciidamada boolisku ku rideen dadkii iskusoo baxay sunta indhaha ka ilmeysa ayada oo ay shan ruuxna ku dhaawacmeen intii ay socdeen dibadbaxyada ka dhanka ahaa dilka wadaadka.
Waxaa jira gawaari badan oo ay dadku dab qabadsiiyeen. ” Gaari naga dambeeyay ayaa ninkayga xabado dhanka midig kaga furay” sidaas waxaa tiri Haniya Saciid oo ah xaaska uu ka geeriyooday Sheekh Aboud Rogo Mohammed.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com