Sunday, May 19th, 2013

” Waa sharci daro qaabka xilka looga qaaday raisalwasaare kuxigeenka ahaana wasiirkii beeraha, raisalwasaarahana ma dhici karo xilka halaga qaado raisalwasaare kuxigeenkayga” Xildhibaan Cismaan Libaax.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo horay usoo noqday wasiir kuxigeenkii caafimaadka ee dowlada KMG Soomaaliya oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Nairobi xildhibaano iyo oday dhaqameedyo ayaa waxa uu kaga hadlay shirkaasi jaraa’id xil kaqaadistii dhawaan lagu sameeyay raisalwasaare kuxigeenka ahaana wasiirkii beeraha dhirta iyo daaqa ee dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim.

Shirka jaraa’id ayuu xildhibaan Cismaan Libaax waxa uu kaga hadlay arimo ku saabsan xil ka qaadista lagu sameeyay wasiirkii beeraha oo sidoo kalena ahaa raisalwasaare kuxigeen isaga oo sheegay in qaabka loosoo maray uu ahaa qaab khaldan islamarkaasna uu Axdiga dowlada KMG Soomaaliya qabo in baarlamaanka oo keliya uu xilka ka qaadi karo raisalwasaare kuxigeenada isaga oo tilmaamay in arintaasna looga gol leeyahay wakhti kororsi.

” Arin la yaableh waaye, madaxweynuhu xilka kama qaadi karo raisalwasaaraha iyo kuxigeenadiisa sida uu axdigu qabo raisalwasaaraha iyo kuxigeenadiisa waxaa xilka ka qaadi karo oo keliya baarlamaanka, haddii uu raisalwasaara kuxigeenku is casilo sidaas xilka waa uu uga qaadmi karaa balse in raisalwasaaraha uu dhaho waxaan soo jeedinayaa in kuxigeenkayga laga qaado xilka waa khalad mana dhihi karo raisalwasaaraha sidaas sharcina ma ahan” sidaas waxaa yiri xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo ku eedeeyay in raisalwasaaraha dowlada KMG uu ka dambeeyay xil kaqaadistii lagu sameeyay raisalwasaare kuxigeenka ahaana wasiirkii beeraha.

Xildhibaan Cismaan Libaax waxa uu sheegay in xil kaqaadista wasiirka ay kasoo horjeedo Road mapka iyo weliba hab qaybsigii awooda ee ku saleysnayd 4.5 isaga oo sheegay in looga gol leeyahay sidii wakhti kororsi kale loo heli lahaa, sidoo kale xildhibaanka waxa uu sheegay in heshiiskii Kampala uu sidoo kale kasoo horjeedo.

” Sadexda raisalwasaare kuxigeen waxa ay kasoo kala jeedaan beelaha Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle, madaxweynaha waxaan ka codsanaynaa inuu sharciga ilaaliyo, ma ahan inuu isaga markastaba sharciga ku tunto” ayuu yiri xildhibaan Libaax.

Xil kaqaadistii raisalwasaare kuxigeenka ahaana wasiirkii beeraha dowlada KMG lagu sameeyay ayaa waxa ay kicisay dareen xoogan oo

kayimid siyaasiyiin, xildhibaano, oday dhaqameedyo iyo weliba dadka caaiga ah ee qowmiyada Digil iyo Mirifle oo uu wasiirku kasoo jeedo.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to ” Waa sharci daro qaabka xilka looga qaaday raisalwasaare kuxigeenka ahaana wasiirkii beeraha, raisalwasaarahana ma dhici karo xilka halaga qaado raisalwasaare kuxigeenkayga” Xildhibaan Cismaan Libaax.

  1. HALIMA NUR says:

    Meeshasi axdi ku meel gaar kama socdo haduu ka socdo SHARIF HASSAN Xilka Majority vote ayaa barmanaka uga qadey. Somaliya waxa socda dictator way ABDIWELLI/FAROOLE way SHEKH SHARIF IYO NIN DM LO ADEGSADO WAY. WASIRKAN XILKA LAGA QADEY MADAXWEYNAHA TANI WAA KU SAXAN YAHAY NINKANI IYO WASIRO KALEBA SIDA XOOSH MA GUTAAN SHAQADOODA .
    WAA TALABO FICAN HALAGA QADO QOFKI AAN SHAQEYSANEYNIIN, SHALAYNA DADKISA LO ADEGSANAKU HAAYO DALKA IYO DADKA AYUU TAGERAYEEY. WAA LABADI LAQDABO KU HESHISA LILAXIGA AYEEY KU DAGALAM

    MADAXWEYNE SHEKH SHARIF GOOD JOOB QOFKAN SHAQEYSANEYNIN KA QAD XILKA DIGIL,MIRIFLE BADAN OO WAX BARTEY AYAA BUXA OO REPLESGAREYNA HA KA WAL WALIN JAGADA DHAXALTOOYO ABE MA AH. ANIGA DM AYAAN U DHASHAY XAMAR AYAAN JOOGA WAA OGAHAY KUWA MAGACEENA ISTICMALO WAXNA QABAN.

Leave a Reply