Thursday, May 23rd, 2013

Waa maxay heshiiska ka dhexeeya Shariif Xasan iyo Shariif Maxamed Cabdulaahi.

Sida aan horayba idiinka ballan qaadnay, waxaan idiinsoo gudbinaynaa had iyo jeer hagar daamada uu Shariif Xasan Shariif Daneyste uu ku hayo guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan beel weynta Digil iyo Mirifle.

Shariif Daneyste, ka sokow inuu ku caan baxay musuq maasuqa iyo lunsashada hantid qaranka ayuu hadana waxa uu bilaabay inuu iibsado dhamaan malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle marka laga reebo malaaq Xasan Shure oo ah malaaqa beesha Hubeer iyo Suldaan Cismaan Sheekh Axmed. oo ah suldaanka beesha Geledi sidoo kalena ah suldaanka Salaadiinta beelaha Digil iyo Mirifle.

Shariif Daneyste waxa uu hada helay garabka Shariif Maxamed Cabdullahi xuseen madaxa hay’ada Zayed Al-Qayriya iyo hay’atul Hilaal Axmar Abu Dabi oo ah laba hay’adood oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

 Shariif Maxamed Cabdulaahi waa ninka uga wakiilka ah Shariif Xasan, Shariif Daneyste, iibsiga malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle si ay usoo qoraan xildhibaano kawada tirsan ururka Al-Islaax si xilka madaxweynanimada Soomaaliya loogu doorto Prof Baadiyow oo ah musharax u taagan madaxweynanimada Soomaaliya.
Maxay tahay sababta ay Shariif Xasan, Shariif daneyste iyoo Shariif Maxamed Cabdulaahi ugu ol’oleynayaan prof Baadiyow?
Shariif Daneyste waxa uu daneynayaa inuu Shariif Maxamed Cabdulaahi noqdaa raisalwasaare marka uu prof Baadiyow ku guuleysto madaxweynanimada Soomaaliya taas bedelkeedna ay labadaan Shariif malaaqyada iyo salaadiinta Digil iyo Mirifle ka iibiyaan xildhibaano katirsan ururka Al-Islaax.
Maxay tahay rajada Shariif Daneyste iyo siyaasada.
Shariif Xasan, Shariif Daneyste waxa uu ku fikirayaa inuu madaxweyne ka noqdo maamul goboleed laga dhiso gobolada koonfur galbeed Soomaaliya taasoo ah rajada keliya ee hada u hartay Shariif Daneyste balse marka uu Shariif Maxamed Cabdullaahi noqdo raisalwasaare ayuu Shariif Xasan, Shariif Daneyste rajeynayaa inuu wasiiro iyo masuuliyiin kale ku yeesho dowlada cusub ee la filaayo inay ka dhisanto dalka Soomaaliya.
La soco qaybo kale oo ku saabsan Shariif Xasan, Shariif Daneyste.
Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


6 Responses to Waa maxay heshiiska ka dhexeeya Shariif Xasan iyo Shariif Maxamed Cabdulaahi.

  1. mursal says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad isugu taxalujiseen waxaana iga su aal ah markale sidee looga hortagi karaa kuwa noocaan oo kale ah mahadsanidiin markale

  2. Rra says:

    Isbitaal aad Madaxaa lakaga jiraa walaalkaga

  3. Ali Soomali says:

    tani waa barobogaando raqiis ah oo beryahanba ay wadeen damiirlaawayaasha Baidoamedia.com oo ay ugu shaqeynayaan cadowga D&M oo ay ka go’an tahay inaan nin D&M ah madaxweyne ama ra’iisulwasaare ka noqon Somalia.

  4. wabjirama aha wuxuu mar walba aad u geftaan qof walaakiina ah ma istaa hishaan inaad zeeli taan war gees

  5. Afgooyaani says:

    Adminka weey ku saxanyihiin waxa eey kusoo qoreen webka,waana xaqiiqda dhabta ah ee Shariif Xasan,cidkasta oo an ka warqabinna weey layabayaan,xattaa haduu walaalkeen yahay Shariif Xasan maha inuu danaheena burburiyo bal car waakaasaa sheega waxqabad uu u sameeyay QQoowmiyadda DM kaliyah inuu kala furfuro maahanee.Walaalayaal yaan in daha leystirin ee ninkaan mashruuca ka dhigtay DM aan iska qabano hana lawada ogaado hadafkiisa saxda ah.

  6. Miika says:

    asc maansha alaah walhalaaey mahadi ha idinka gaarto sida aad ugu heelan tihiin in aad naga farxisiin ilaah ha idinka farxiyo aad ayaan ugu farxaa markaan webka aan galo waan maqsuudaa mansha alaah ilaah ha idn xafido idinka iyo ehelkiina mansha alaah waana idinkaga mahad celinaya jawaabtii aad iisoo jawaabteen jisaakalahu qeyr

Leave a Reply