Friday, May 24th, 2013

Waa halkee meesha sanooyinkan Jubooyinka loola baxay?

Jumhuuriyaddii 1-aad ee Soomaaliya ee 1960-kii ka dhalatay isku darsankii Soomaaliland-dii Biriitaaniya iyo Soomaalilandidii Itaaliya ka koobneyd 8 gobol. Waxa ay kala ahaayeen Waqooyi Galbeed (North West) & Waqooyi Bari (North East) oo Soomaalilandidii Biriitaaniya ahaa, iyo, Majeerteenia, Mudug, Hiiraan, Benaadir, Jubada Sare (Upper Juba) iyo Jubada Hoose (Lower Juba). Fiiri khariidada ama maabka hoose.

Goboladan khariirada sare ka muuqada waxa ay shaqeynayeen ilaa 1984 goortaas oo ay dowladdii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) 8-dii gobol ka yeeshey  18 gobol. Dadka qaar waxay u fahmeen in xukunka la ballaariyo maamulkana bulshada la gaarsiinayo. Qaarna waxay u fahmeen in qabaa’ilada  qaar gobollo looga soo jeexayo gobollo ay qabaa’il kale oo kaga badan ab-ka-ab deganaayeen. U fiirso khariirada cusub ee 18 gobol ee saxa ah waa tan hoos ka muuqata:

 

2-dii gobol ee Soomaalilandadii Biriitaarina waa 5 gobol (Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Sool). 8-dii gobol ee Soomaalilandidii Itaaliya waa 13 gobol (Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelle Dhexe, Benaadir (Xamar), Shabeelle Hoose, Bakool, Gedo, Bay, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose). U fiirso  gobolada  Gedo iyo Jubada Hoose xuduud wadaag ma aha oo  Jubada Dhexe baa u dhexeysa.

Waxaa intii 1991 ka dambeysey meelaha qaar lagu soo bandhigayey khariidado 18 gobol laga kala jeexdey oo magacyo loo kala baxsadey balse aysan jirin dowlad rasmi ah oo ogolaatay.   Somaalilandidii Biriitaaniya waxa ay sanadkii 1991 sheegatay inay gooni isku taagtay gobolo iyo degmooyin cusubna way ku sii kordhisey shanti gobol ee ay XHKS ka dhaxashey. Waxaase la  sheegaa inay ‘Awdal State, SSC iyo Khatumo State’ ay gooni isku taaga Soomaalilandidaas diidan yihiin  sababo arrimo qabiil dartood.

Goboladii Jubooyinka asalka ahaa, waa  Jubada Sare iyo Jubada Hoose,  iyo koonfurta gobolkii Benaadir (Shebelle Hoose) waa tii 1993 gobolada Jubooyinka uu ururkii SDM kullan weynihii Baydhaba lagu qabtay intii ay ciidamadii UNISON dalka joogeen ugu sameeyey maamul goboleed u gooni ah oo looga magic darey Maamul Goboleedga Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose oo loo arkay inuu hal qabiil u daneynayey. Maamulkaas waxaa 1995 afgembiyey  isbaheysigii USC/SNA/SDM oo qaab qabiil ku dhisnaa.

Gobolkii Majertenia oo uu XHKS u qeybiyey Bari iyo Nugaal waxa 1998 loo bixiyey Dowlad Goboleedka Puntland isaga oo qeybta waqooyi ee gobolkii Mudug u darsaday sabab qabiil ahaaneed. Puntland oo gobolo kalena sameysatay waxa ay hab qabiil ku sheegataa inta badan gobolka Sanaag, Sool oo dhan iyo qeyb Togdheer ka mid ah  oo Ceyn loo bixiyey.

Intii u dhexeysey 1991 ilaa 1999  waxaa gobollada Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose ku xoogeyse SNF/SPM oo qaab qabiil ku dhisnaa bilaabeen  isticmaalka magacyada ay ka mid yihiin maamulka  Dooxada  Juba ama maamulka Jubooyinka (Jubaland). Fikradda Jubooyinka ama Dooxada Juba  waxa uu u muuqdaa mid labo jufo midkood oo hal qabiil  wada ah u daneynaya barakicinayana qabaa’ilada kale ee goboladaas degan. ‘Maalmulkan’ waxa uu shaaciyaa khariidad galbeedka gobolka Jubadda Dhexe, oo asal uu XHKS Jubada Sare ka soo jarey, ka dhigeysa qeyb Gedo ka mid ah iyada oo Gedo iyo Jubbada Hoose laga yeelayo sidii ay xuduud wadaag yihiin. Wixii 2011 ka bilowdayna waxaa la sheegtay maamul magic ahaan Azania loogu yeeray.

Fiiri khariidada hoose ee 18 gobol ee aan saxa aheyn ee hoos ka muuqata. Waa midda ay website-yada qaar sida Hiiraan Online si kama ah ama aqoon la’aani ku jirto u shaaciyaan.

Sanadkii 1999 ayey RRA ka guuleysatay isbaheysigii USC/SNA/SDM. Waxayna  dhistay Dowlad goboleedda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban goboladii Jubooyinka asalka ahaa (Gedo, Bay, Jubada Dhexe, Bakool iyo Jubada Hoose) iyo Shabeelle hoose oo qaab qabiil ahaan ku soo raacay.  Inkasta oo ay jireen qaar ka mid ahaa horjoogeyaashii Dooxada Juba/Maamulka Juboyinka oo maamulkan diidanaa, hadana dowlad goboleedkaas waxa uu ogolaansho ka helay, baa la sheegaa, inta badan odeyaasha qabaa’ilada goboladaas. Hase ahaatee, waxa ay 2003 ku burburtay dagaal dhex marey jufooyinkii qabiilkii hogaanka u hayey. Dadlka dhulkaas degan,  niyad ahaan, dowlad goboleedaas weli way u jiraa oo calankeeday ruxayaan halkii ay ku kulmaanba.

Wixii 2006 koonfurta intooda badan la wareegay Midowgii Maxkamada Islaamiga ahaa oo halkii ka sii waday fikradihii gobollada Jubooyinka ka dhigayey dhulka webiga Juba galbeed ka xigta oo dhan.  Ururada Al-Shabaab, Caanoole ,Ras Kiyambooni iyo Azania oo ilaa hadda isku haya gacan ku heynta dhulkan Jubooyinka “cusub” ah  iyo warbaahinta weli fikrada Jubbooyinka ayey shaacinayaan iyaga oo aan inta badan qabaa’ilada dhulkaas asal ahaan  deganaa wax tixgeklin ah la siineyn in la barakiciyo ma ahee. Dowlada Kenya oo bilowday  sheegashada gobolka Jubaland (inta galbeedka ka xigta webiga Juba) iyo bada ku xeeranba iyadu dhulkeeda ka mid ahaan jireen waagii ay Biriitaaniya gumeysan jirtay, ayaa dagaalka ku soo biirtay wixii 2011 ka soo bilowday. Waa NFD iska dhaafee taadan kula heystaa camal.

Su’aasha waxay ay tahay waa kuwee gobollada Jubbooyinka?  Ma:

  1.  Jubada Sare iyo Jubada Hoose ee asalka ahaabaa? Mise
  2. Waa Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe ee uu XHKS abuurey? Mise
  3. Waa Gedo, waqooyi-galbeedka Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose? Mise
  4. Waa koonfur galbeed Soomaaliya oo idil ( Jubada Sare iyo Jubada Hoose ee asalka ahaa, iyo Shabeelle Hoose oo koonfurta gobol weynihii Benaadir ahaa?) mise
  5. Waa Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose?
  6. Markaa Shabeelle Hoose, Bakool iyo Bay maamul goboleed kale ha ahaadaanbaa?
  7. Yaase dhulkan leh?

Fiiri khariidada hoose si aad u fahamto sida dhulkan loo kala deganaa sanandkii 1956 sida uu qoraa sare uu Biriitaani ahaa sahankiisa ku muujiyey.

Tallo Soo Jeedin:

Hadda oo la dhisayo Jumhuuriyada 2-aad ee Soomaaliya,

  • Si looga nabadgalo dagaalo soo noqnoqda oo mustaqbalka dhow iyo kan fogba ay Soomaalida goboladaas degan isku qaad-qaadaan,
  •  iyada oo laga tusaale qaadanayo isheysadka ka taagan bariga Soomaalilandidii Biriitaaniya ee 1991 gooni isku taaga sheegatay balse Puntland State (Majerteinia) iyo Khaatuma State dhulkaas kula dhegan yihiin,
  • waxaa Soomaali badan oo goboladan koonfur galbeed/Jubooyinka degan ama asal ahaan ka soo jeeda
  • ku tallinayaan in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhiirigeliso dhismaha maamul goboleed kulmiya dhamaan 6-da gobol ee Xamar koonfurta ka xiga. Waa inay ku heshiis yihiin qabaa’ila dega oo ay awooda maamulkana si cadaalad ah u qeybsadaan ama loo fududeeyo sidii ay si isqadarin leh wax ugu qeybsan lahaayeen.

 

Dowladda Dhexe ee  Federaalka ah ee Soomaaliyaba awood qeybsiga isu tanaasulka ay maanta ku dhisan tahay waa lagu kaalmeeyey iyadana way haboon tahay inay dadka degaankan ku kaalmeyso sidii ay maamul la wadaago u sameysan lahaayeen.

Haddiise ay lagama maarmaan noqoto in dhulkas laba maamul goboleedyo laga sameeyo, markaas xuduuda dabiiciga ah ee weligeed jirtay waa webiga Juba. Waxaase jiraya jufooyin ka tirsan labada qabiil ee dhulkaas ugu badan iyo qabaa’ilada kale ee la deganba  ay ‘sohdinta’ webiga ah dhinaca dadkood u badan yahay ma ahaa dhanka kale ka marayaan.

Tusaale wanaagsan waa sida ay Puntland iyo Galmudug ay dhulkooda u kala saarteen oo xita hal magaalo uu midna dhankiisa ka maamusho.

Fikrada tan daba socota waa in ay caqli-gal tahay in ay dowladda federaalka Soomaaliya gacan ku siiso qabaa’ilada degan afarta gobol ee bartamaha Soomaaliya (Shabeelle Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Koonfurta Mudug-ta maanta sidii ay iyaguna dowlad goboleed ay isku waafaqsan yihiin halkaas ka dhistaan.

Xamar-na maqaamkeeda, inkasta oo ay saddex qabiilu badan yihiin, ha ahaado caasimad federaali ah oo  ummada wadanka oo dhan ka dhexeysa sida Washinton DC, Addis Ababa, Barasilia, Berlin, Ottawa, Kuala Rampur  iwm.

Waxa haboonaan dhismaha dowlad dhexe oo federal ah oo ay dadku kuwada kalsoon yihiin iyo higsiga helitaanka dowlad goboleedyo aan dadka qabiil ku kala takoorin iyada oo uu qofka Soomaaliga ah dalka dowlad goboleeda  uu doono degi karo, ka shaqeysan karo  kuna amaan heli karo.

 

Qallinka:

A A Bulle, MSC

Email: maisodias@hotmail.com.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply