Thursday, June 20th, 2013

Ururuka Samafalka Dr. Husseney oo raashiin qaybin kasameeyay Muqdisho.’Fiirso video’

 Ururuka samafalka ee Dr. Husseney oo ah urur dhawaan xafiis kafurtay magaalada Muqdisho xaruntiisuna tahay magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ayaa waxa uu markii ugu horeysay kafuliyay howlo cunto qaybin ah qaar kamid ah xeryaha ay kujiraan dadka ay abaaraha kasoo barakiciyeen gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya ee kuyaalo magaalada Muqdisho.

Ururka ayaa maalintii shalay ee Khamiista ahayd waxa uu u qaybiyay 140 qoys bariis, saliid iyo maacuun u badnayd digsiyada wax lagu karsado ayada oo ay dadka loo qaybiyay gar gaarkaasna ahaayeen dad si weyn ugu baahnaa gar gaarkaas isla markaasna ahaa dad aan weli helin mucaawinooyinka kala duwan ee laga qaybinayo magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dadkaasi.

 

Xasan Axmed C/raxmaan oo ah wakiilka ururka samafalka Dr. Husseney ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu u sheegay wariyaha shabakada warbaahinta Baidoamedia.com in diirada ay saarayaan dadka jilicsan iyo kuwa aan weli helin gar gaarka sidoo kale Xasan Axmed C/raxmaan ayaa waxa uu sheegay in ay mar dhow wax ka qaybin doonaan magaalada Baydhabo islamarkaasna uu kaocdsaday dadka Soomaaliyeed ee gacanta kageysanayo howlaha lagu taakulaynayo dadka abaaraha ay haystaan inay sii wadaan shaqadooda.

Shamso Ibraahim Boolis oo sidoo kale kamid ah howlwadaneeda ururka ayaa waxa ay kasheekaysay taariikhdii Allaha u naxariistee Dr. Xuseen maxamed Nuur oo ahaa dhakhtar xaga indhaha ah islamarkaasna ay gacan ka xaqdaran kudishay magaalada Muqdisho isaga oo gudanaaya howlihiisa shaqo ee uu u hayay shacabka Soomaaliyeed, Shamso ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadayaan howlaha ururkan islamarkaasna ay gaarsiindoonaan gar gaarka meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya kana codsatay ummada Soomaaliyeed inay gacan kagaystaan howsha gar gaarka ee uu ururku wado.

Ururka Dr. Husseney ayaa waxa uu kuhowgalaa dhaqaale urururin ay iska dhex sameeyaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ayada oo hada howlgalkiisii koowaad gacan kageysteen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto.

 

Baidoamedia.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com