Tuesday, May 21st, 2013

Ururka samafalka Dr Xuseeneey oo shixnad dhar ah u diray dadka abaarta ay saameysay ee dalka Soomaaliya. ‘Sawiro’

Ururka  samafalka Dr Xuseeneey ayaa shixnad dhar ah oo ay iskasoo ururiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada waxa uu u diray dadka ay abaarta soo barakicisay ee kunool xeryaha qaxootiga ee kuyaalo magaalada Muqdisho.

Dharkaan oo ah dhar ay iskasoo ururiyeen dadka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Toronta ee dalka Canada islamarkaasna lasoo marsiiyay ururka samafalka ee Dr Xuseeneey ayaa waxaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Muqdisho todobaadyada soo socdo islamarkaasna ay ka faa’idaystaan barakacayaal gaarayo ilaa iyo 300 oo ruux.

Uururka samafalka Dr Xuseeneey oo kaashanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay waxa uu raashiin qaybin u sameeyay ilaa iyo 140 qoys oo kunool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Ururka samafalka Dr Xuseeneey oo shixnad dhar ah u diray dadka abaarta ay saameysay ee dalka Soomaaliya. ‘Sawiro’

  1. Anatasya says:

    salam ka dibaad iyo aad ban ugu fxraay markaan arkay aqoonyahannada wadanka oo is garab sanaayo ay u istaageen badbaadinta shacabka.waa marxalad horey aan loogu arag wadanka tanina waxey horumar weyn u tahay shacabka masaakiinta ah ee baaba’ay.ka dib howlaha adag ee Xisbiga Hiil Qaran u istaagay, Umadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay iney garab istaagaan Xisbiga Hiil Qaran Hanti,Maskax iyo xoogba.xooga ma ahan in qori la qaado waa in laga faa’ideestaa awooda qofka ilaahey uu ku abuuray.waxaan salamaayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta ay ku nooshahay.Mahadsanidiin

Leave a Reply