Saturday, May 18th, 2013

Ururka samafalka Dr Xuseeneey oo afurin ka bilaabay magaalada Baydhabo. (Sawiro)

Ururka samafalka ee Dr Xuseeneey oo looga bartay arimaha samafalka horayna uga qaybiyay raashiin magaalada Muqdisho sidoo kalena dhar uga qaybiyay isla Muqdisho ayaa hada waxa uu ka bilaabay magaalada Baydhabo afurinta dadka sooman.

Afurka oo ilaa iyo 100 boqol qofood loo sameeyay ayaa inta bishaan barakeysan ee Ramadaan kasii wadi doonaa afuriska dadka saa’imiinta ah ee magaalada Baydhabo ururka Dr Xuseeneey oo uu fadhigiisu yahay dalka Canada sidoo kalena xafiis ku leh magaalada Muqdisho, hadana wado qorshe ah inuu xafiis kale ka furto magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, ururka samafalka Dr Xuseeneey ayaa waxa uu tobanka cisho ee ugu dambeyso bisha Ramadaan u sameyn doonaa saxuur dadka sooman.

Ururka samafalka Dr Xuseeneey ayaa waxa uu dhanka kale wadaa qorshe uu farxada Ciida kala qayb qaadan doono haduu Illaah idmo isaga uu sidoo kalena mashaariic kale oo arimaha agoonta iyo barakacayaasha gudaha ah wado.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply