Wednesday, May 22nd, 2013

URURKA ARDAYDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO GUDOOMIYE CUSUB DOORTAY.(Sawiro)

Kuala Lumpur, September 3 – Ururka ardayda koonfur galbeed Somalia SWSS ee dalka Malaysia ayaa ku dhigtay munaasabad heer sare ah oo  isugu jirto doorasho iyo hambalyo Ardey ka qalanjebisey jaamacado ku yaalo wadanka Malaysia.

Xafladan oo  si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtey Hotelka weyn ee holiday villa taariikhdu markey eheyd 03/09/2012 iyado ay ka so qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada ka so jeeda South West Somali ee ku nool wadanka Malaysia.

Xaflada ayaa waxa aayadaha qur’aanka kariimka ah ku furey Sheekh Maxamed Aadan.        ka dib waxaa laguda galay barnaamijkii xaflada iyado dadkii ka hadley ay kamid ahaayeen Dr ismacil  oo ah macalin wax ka dhiga jaamcada  Kuala Lumpur Metropolitan University  (KLMU) kana mid ah aqoonyahanada soomaliyeed ee dalka malaysia wuxuuna ka hadlay Dr Ismacil oo ku dheeraadey  ahmiyadu ay waxbarashadu uleedahay bulshada  isagoona kula dardaarmey ardeyda in ay waxbarashada ku dadaalaan asoona laqeybsadey qibradiisa ku aadan ardeyga markuu waxbarashada dhameysto talaabooyinka ku habon uu qaadi karo in  waxbarashadooda ay horey usii wataan ilaa heer Master or PhD ama ay shaqo raadsadaan. Ardeydii dhameysatey ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 15 ardey oo ay ka qalanjebiyeen jaamacadaha kala ah UTM, UUM, UTHM, KUIZ, USM, UM.  iyo kuliyado kala duwan.

Iyadoo xaflada qeybteedi hore lagu soo xirey hambalyo ardaydii dhamaysatey waxbarashoodi jaamacadeed iyo  taariikhda waxbarasho ee soo martey Gobolada koonfur galbeed Somalia oo ka jeediyey mid kamid ah Aqoon yahanada Koonfur galbeed Somalia (Baba jay).

Xaflada aya waxey guda gashey qeybteedi 2aad oo ahayd  doorashada Gudoomiyaha Ardeyda koonfur galbeed Somalia doorashada ayaa ahayd mid aad u xiiso badaneyd oo musharaxiin badan u soo tartamayeen xilka gadoominimo iyo ku xigeenadisa, doorasha ayaa waxa gadoomiye cusub loogu dooratey Mr. Nuuradiin Tanaas Ibrahim.

Khudbad  isugu jirtay xil wareejin  iyo hambalyo oo Gudoomiyihii hore ee Ardeyda Mr. Mukhtaar Aadan Mohamed usoo jeediyey gudoomiyaha cusub.

Ugu dambeyntii xaflada waxey kusoo dhamaatey  farxad iyo sidii loogu taley isoo xaflada soo xirey Gudoomiyaha cusub ardeyda Nuurdiin Tanaas Ibrahim oona balan qaadey in uu ka sheqeyn dooni midnimada iyo isku xirnaanta Ardeyda Digil iyo Mirifle Malaysia iyo Aduunka meelkasto ay ka joogaan.

 

WD. Omar


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply