LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Tobanka magaalo ee ugu halista badan caalamka.(Sawiro)

Dadka dalxiisayaasha ah ayaa waxaa looga digayaa inay ka taxadaraan waxyaabaha ay sameynayaan iyo goobaha ay tegayaan marka ay booqasho ku tagaan mid kamid ah toban magaalo oo ugu halista badan caalamka.

1o. Caracas, Venezuela

Magaalada Caracas oo caasimad u ah dalka Venezuela ayaa waxaa ku badan dadka daroogada ka ganacsado gaar ahaan kuwo mooryaan ah oo magaalada qayb qayb u kala xirtay inkastoo uu maamul kajiro.

Ciidamada booliska dalka Venezuela ayaanan inta badan magaalada ka ariminin ayada oo dhaca iyo dilkaba la fuliyo xitaa maalinta cad sida ay sheegayaan dadka magaalada oo ka dalbaday dowladooda inay wax badan sameyso si ay u difaacdo hantida iyo nafta muwaadiniinteeda.

9. Mogadishu, Somalia

Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya waa magaalo ay dagaalo kala jar jareen oo ay dadkeeduna inta badan ka qaxeen mudo kahor ayaga oo ka tagay dhismayaal bur bursan.

Waa magaalo ay adagtahay in la helo xogaheeda rasmiga ah, balse waa iska caadi in la dhahaa waa magaalo aad halis u ah maadaama ay dagaalo ka soconayeen mudo labaatameeyo sano ah.

8. Rio de Janeiro, Brazil

Ayada oo ay magaalada Rio leedahay xeebo qurux badan iyo dhul muuqaal fiican hadana yaanan lagugu qaldin nabadgelyo aanay waxba kajirin, magaalada waxaa ku yaala deegaano dhowr ah oo isku raran ah halkaasoo ay isku eryadaan ciidamada booliska iyo dadka daroogada ka ganacsada.

Dalxiisayaasha waxaa looga digayaa inay booqasho ku tagaan gobolada buuraleyda ah gaar ahaan inay socdaan xiliyada habeenkii inkastoo ay boolisku joogaan meelo badan.

Laaluushka waa wax ka caadi ah magaalada Rio iyo deegaanada ku xeeran marka lacag waa inaad markastaba jeebka ku sidataa si aad isku furdaamisid.

7. Grozny, Chechnya, Russia

Bartamihii sagaashameeyada, magaalada Grozny waxa uu dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada Ruushka iyo kuwa Chechnya taasoo ka dhigtay magaalada mid ay kumanaan dad ah ku dhinteen.

Dagaalka waxa uu joogsaday 2006dii balse magaalada ayaa bur burtay kadib duqeyn xoogan oo madaafiicda ah markii loo geystay, magaalada waxaa ku badan dembiyada waxaana si qaas ah loo beegsadaa dalxiisayaasha reer galbeedka ah ayada oo uu afduubkuna ku badanyahay magaalada.

6. Ciudad Juarez, Mexico

Kooxaha ka ganacsado daroogada dalka Mexico kama muuqato wax hakad ah oo ku imaanayo ganacsigooda, sidoo kalena magaalada Ciudad Juarez waa magaalo ay kooxahaasi ku xooganyihiin waxay doonaana ka sameystaan, cid ay u joojiyaana malahan sidii ay wax soo saarkooda ku suuq geyn lahaayeen.

Booliska magaalada ku sugan ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay mid musuq ah  isla markaasna ka gaabiyay howshii loo igmaday ee ahayd sugida amniga.

Magaaladaan waxaa loogu magacdaray magaalada ugu fowdada badan caalamka marka lagasoo tago meelaha ay dagaalada tooska ah ka soconayaan.

Eeda qalalaasaha ka taagan magaaladaan ayaa lala xiriiriyaa dowlada dalka Mexico inkastoo ay dadka qaar sheegayaan inay ka dhalatay dagaalka ay dowlada Mareykanka kula jirto kooxaha reer Mexico ee ka ganacsado daroogada.

5. Bogota, Colombia

Magaalada Bogota waa caasimada dalka Colombia, magaalada dhibkeeda waa ganacsiga xaga daroogada iyo kooxo xagjiriin ah oo xaga siyaasada ah mucaaradna ku ah dowlada dalkaas.

Dhanka waqooyi ee magaalada Bogota waa mid uu amaankeedu si weyn u suganyahay halka dhanka koonfureedna uu yahay mid aan xasilooneyn.

4. Baghdad, Iraq

Baqdaad waa magaalo madaxda dalka Ciiraaq, magaalada waxaa ka taagan amaandari iyo fowdo baahsan taasoo ka dhalatay dagaaladii ka dhacay magaalada.

Sidoo kale magaalada waxa ay leedahay kooxo siyaasadeed oo is diidan kuwaasoo magaalada bur bur u keenay. Magaalada Baqdaad waxa uu dhibka ugu weyn ku dhacay markii ay ciidamada Mareykanka galeen magaalada.

Kaabayaashii dhaqaalaha iyo kuwa caadiga ah ayaa intaba ku bur buray dagaaladii ka dhacay magaalada.

3. Guatemala City, Guatemala

Guatemala City waa xarunta dalka Guatemala. Magaalada waxaa kajiro dembiyo badan oo loo sababeeyo dowlada iyo ciidamada booliska oo ah kuwo musuq maasuq ku dhaqmo.

dhaca,iyo fowdada waa ka caadi magaalada oo ah magaalo aad u qurux badan. Farqiga u dhexeeya dadka taajirka ah iyo kuwa faqiirka ah ayaa ah mid aad u weyn.

2. San Pedro Sula, Honduras

Magaaladaan oo ku taalo dalka Honduras ayaa ah magaalo uu sareeyo heerkeeda dilalka ayada oo lagu sheego inay tahay magaalo ka halis badan magaalooyinka ku yaala dalalka Ciiraaq iyo Afgaanistaan.

Dhaca ayaa ku badan magaalada San Pedro ayada oo ay dadka badankood wataan nooc kamid ah hubka si ay isku ilaaliyaan. Muranada yar yar xitaa waxaa lagu xaliyaa isku dhac iyo dagaal.

Dalxiisayaasha waxaa looga digayaa inay muujiyaan feejignaan dheeri ah marka ay wadooyinka marayaan sababtoo ah waxaa beegsanaya dembiilayaasha.

1. Cape Town, South Africa

Magaalada Cape town oo ah goob dalxiisayaasha soo jiidato ayaa waxaa ka jiro dembiyo badan ayada oo ay adagtahay in xiliyada habeenkii la maro wadooyinka ay dadku ku yar yihiin, sidoo kale xiliyada maalinta ah ayaa ay adagtahay in la maro meelaha dadka ay ku yar yihiin gaar ahaan marka laga hadlayo dalxiisayaasha.

Dembiyada ka dhaca magaalada Cape town waxaa laal xiriiriyaa heerarka kala gedisan ee dhaqaalaha bulshada.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply