Ayada oo ay laba qarax oo xoogani habeenkii xalay ahaa ka dhaceen maqaayad laga cunteeyo oo ku taalo magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaysa tirada dadkii ku wax yeeloobay qaraxyadaas.
Qaraxyada oo ahaa naftii halignimo ayaa waxaa geystay laba nin oo iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa markii hore waxaa lasoo sheegay inay ku geeriyoodeen ilaa toban ruux oo ay wariyayaal ku jiraan balse xalay ayaa tiradaas waxaa kusoo korortay ilaa toban kale oo hada dhimashadu waxay maraysaa 20 qof halka dhaawacana uu caga cageynayo 30 .
Qaraxyada ayaa inta badan dadka ku geeriyooday waxay u badnaayeen rayid ayada oo ay sidoo kalena kamid yihiin wariyayaal ka howlgeli jiray idaacada dowlada iyo idaacad kale oo ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Qaraxyadii xalay ayaa waxaa cambaareeyay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inay ahaayeen masiibo ku habsatay dad aan waxba galabsan oo inta shaqadoodii soo gutay ku shaahayay maqaayada The Village oo kasoo horjeeda tiyaatarka qaranka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com