Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa si cad ugasoo horjeestay dastuurka qabyo qoraaleedka isaga oo sidoo kalena ka hor yimid gudiga soo diyaariyay qabyo qoraalka.
Mudane Tarzan ayaa ka carooday dastuurka qabyo qoraalka kadib markii uu ka waayay qodobka ka hadlaya magaalada Muqdisho cadeynayana inay tahay caasimada dalka Soomaaliya.
Gudoomiye Tarzan waxa uu sheegay inaysan waxba kala aqoon gudiga soo diyaariyay qabyo qoraaleedka una baahanyihiin in loo higaadiyo magaca caasimada Muqdisho waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sikastaba ha ahaatee, dastuurka qabyo qoraalka ayaa lagu wadaa in la ansaxiyo bishaan aan ku jirno 12keeda ayada oo aan la ogeyn waxa ay diidmadiisuna ka bedeli karto qodobada ku qoran dastuurka qabyo qoraalka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com