Tuesday, June 18th, 2013

Tarsan oo ay u badantahay in xilka laga qaado. (xog)

Maxamuud Axmed Tarsan oo ah gudoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho mudooyinkii ugu dambeeyayna isbedel muuqda ka dhaliyay magaalada ayaa lagu wadaa in xil ka xayuubin lagu sameeyo dhawaan.

Gudoomiye Tarsan oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasna aan weli la dhaarin ayaa waxaa lagu wadaa in xilkiisa loo dhiibo mid kamid ah musharaxiintii iskusoo taagtay xilka madaxweynanimada islamarkaasna wareega labaad soo gaaray waa C/qaadir Cosoble Cali kaasoo isna ah xildhibaan ku jira baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Wararka ku saabsan in mudane Tarsan xilka laga qaadayo ayaa isasoo tarayo ayada oo aan la hubin in Cabdulqaadir Cosoble lagu bedeli doono balse sida ay sheegayaan dadka ka ag dhow xildhibaankaas rajadiisa ku aadan inuu noqdo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa aad u sareyso.

Tarsan ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo lagaga adkaaday doorashadii ka dhex dhacday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply