Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

”Tarabi ma ahan mid buuxin karro baahida GOS”

4tii bishan janaayo ayaa guriga Cabduqaadir Shariif Xirow waxaa lagu qabtey kulan isports loogu magac daray Kulan Sanadeedka Isportska Alta Jubba.

kulankani oo loogu hadley waxyaabo farabadan oo isportska Jubada sare quseeya oo ay ka mid yihiin

1-dib u dhisida goobaha sports
2- qalabeynta kooxa iyo dhalinyarada

iyadoo qodobada halkaasi la isla soo qaaday ay ka badnayeen intaan ayaa geba gebadii waxaa war saxafada quseeya soo jeediyey gudoonkii shirka mudane Cabduqaadir Shariif Xirow wuxuuna ku bilabey:

”Warkani aan saxaafada ugu talagalney waxa uu yahay mid ka jawaabaya kooxda muqdisho degan ee isku magacawday GOS  waayo reer Banaadir waa Gobol Alta Jubba waa sedax gobol anaa ka madax ahaa Zonekani Allaha u naxariistee Yabarow Wiish dadkii kusoo doortey Jabuuti baan kamid ahaa waxaase layaab igu noqotey markaan idaacada ka maqley waxbaa la doortay fikirkaasi ma mid xalaal ah waanu kasoo hor jeednaa haddii la rabbo in wax la isla wadaago waa in la helaa iska warqab iyo wada tashi waxaanu la fikir nahay walaalaheena kismaayo iyo Lascanood,waxaan ugu baaqaynaa inay ka laabtaan doorasha Beleeda Muqdisho lagu qabtay”

Cabdule Geley oo isna sheektey inuu kamid yahay xiriirka kubada cagta gobolka Baay ayaa isna fikirkaasi mid aan ka fogeyn goobta kasoo jeediyey.

Doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee gudoomiyaha loogu doortay Cabdullaahi Axmed Tarabi  xiriirka Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa waxa ay gobolada qaar ee dalka Soomaaliya ka dhalisay dareen ah inay iskusoo koobeen reer Muqdisho arintii Olombikada Soomaaliyeed ee ahayd inuu dalka oo dhan ka qayb qaato.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID