Thursday, May 23rd, 2013

”Tan iyo 1991kii, Muqdisho hal beel baa haysatay”

Ayada oo ay dhawaanahaanba socdeen hadal haynoo ku aadan inay Punntland gacanta ku hayso dastuurka cusub ee uu dalka Soomaaliya yeelanayo ayaa waxaa saxaafada weeraro isku dhaafsaday duqa magaalada Muqdisho iyo kan Garoowe.

Duqa magaalada Muqdisho Tarzan ayaa waxa uu dhawaan sheegay inuu kasoo horjeedo dastuurka cusub oo aan cadeynayn inay magaalada Muqdisho tahay caasimada dalka Soomaaliya isaga oo sheegay inuu kacdoon arintaas ku saabsan sameyn doono.

Dhankiisa Cabdicasiis Nuur Cilmi duqa magaalada caasimada u ah maamulka Puntland ee Garoowe, ayaa waxa uu sheegay in Tarxan aanay u oolin arinta dastuurka oo uu sheegay inay soo idlaadeen soona saxiixeen madaxda sare ee siyaasada Soomaaliya oo uu sheegay inay kala yihiin, madaxweyne Shariif, gudoomiyaha baarlamaaka Soomaaliya Shariif Xasan, madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iyo weliba ururka Ahlusuna Waljameeca.

” Waxaa jiro magaalooyin kale oo kaga haboon Muqdisho caasimadnimada dalka Soomaaliya, tan iyo 1991kii waxaa iska haystay Muqdisho hal beel oo dhamaan degmooyinkeedana hal beel ayaa ka ariminayay, cid ka hadashayna majirto” sidaas waaxaa yirii duqa magaalada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmo oo dhanka kalena sheegay inaysan habooneyn in dal daloolo loo yeelo hanaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo uu sheegay inuu marayo heer gebo gebo ah.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply