Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa uu digniin culus kasoo saaray gawaari nooca raaxada ah oo la helay taargooyinka ay adeegsanayaan kuwaasoona lagasoo buuxiyay walxaha qarxa.
Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Sareeye Guuto Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay inay shacabka ku wargelinayaan in cidii aragtaa labadaas gaari ay lasoo xiriiraan hay’adaha amaanka.
Habada gawaaridan ayaa kala ah gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano Noha kaasi oo ay ku xerantahay taargo nambar AA 5622, halka gaariga labaadna uu yahay gaari nooca Soomaalidu ay u taqaano SURF islamarkaana ay taargo nambarkiisu yahay AA 8317.
Taargooyinka ku xeran gawaaridaasi ayuu taliska Ciidammada ilaalada wadooyinka ku sheegeen in laga xaday gawaari kale ayadoo xogaha ku aadan gawaaridan qaraxyada lagu soo xeray ee ay hay’adaha ammaanku hayaan ay yihiin kuwo farabadan.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa jiray gawaari nooca raaxada ah oo loo adeegsanayo qaraxyo kala duwan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com