Inaa lillaahi wa inaaIilleyhii raajicuun, waxaan halkaan uga tacsiyeyneynaa walaalkeena saaxiib keena YUUSUF SHEEK oo ahaa TURJUMAANKII SAFAARADA TURKIGA oo ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ay ku dileen maalintii Khamiista aheyd magaalada Muqdisho.
Janatul Fardowsa ALLAHA haka waraabsho ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ILLAAHAY ha ugu bedelo.
Waxaa halkaan tacsiya ka diaayo
C/raxman Xaaji Aadan
Mukhtaar Maxamed Cabdullaahi
Mukhtaar Nuur Cali Axmed
Xabiibo Cali Axmed
Iimaan Cali Xuseen iyo dhamaan ummada DM kunool Mareykanka gaar ahaan gobalka KENTUCKY, magaalada Louisville.
Waxaan leenahey walaalkeena dilkiisa yaan sidaasi looga harin dad badan ayaa dilkooda la iloobey Axmed Rashiid oo Nairobi kenya lagu dilay iyo Cabdala Deerow Isaaq iyo dadbadan oo ka horeeyay sida Dr,Xuseeney Maxamed Nuur Dr.Ayuub Sheekh Yarow.
Sigaar ah waxaan ula hadleynaa dadka kujira dowlada kmg arintaan Dr.Yuusuf meel hala saaro una istaaga walaalkeena hadii kale JID ay maraan ayaan noqoneynaa inaa lillaahii wa inaa Illayhi raaajicuun.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
aamiin janada firdowsa alle haka waraabiyo Gacan ka xaqq daran ayaa dishey, mar walbana waan canbaareyneynaa, dadka mas;uuliyiinta isku sheegaaya oo muqdisha jooga iyaga ayaa looga fadhiyaa iney dowlada ku cadaadiyaan iney ninkaasi gacan ku dhiiglaha ah cadaalada la horkeeno . dhamaan eheladiisa iyo qaraabadiisa samir iyo iimaan alle ha idiinka siiyo ayaan leeyahay