Monday, May 20th, 2013

Tacsi Tiiraanyo( AUN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”‏

Waxaan halkan tacsi uga direynaa Geeridii ku timid Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaariye” waxaan leenahay Ooridii iyo Awlaadii eheladdii iyo Asxaabtii iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed ayaan uga tacsiyeynaan Geeridaa naxdinta leh ee ku timid Abwaankeena Barrihii Afka iyo ilaaliyihii hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Geeridu waa Xaq waxaan leenahay ilaahayoow Abwaanka u Naxariiso, wuxuu ahaa Gobonima doon geesi oo dadkiisa iyo dalkiisa qiimo weyn ugu fadhiyey, waxaan leenahay Marxuumka ruuxdiisii ayaa inaga tagtay balse dhaxal wanaagsan ayuu inoo reebay oo magaciisu jiri doono ilaa iyo intay aduunyadani jirto.

Waxaa Tacsidan Diraya Bahda Qalinleeyda iyo Hal-abuurka da’da yar ee ka qaybqaatey Silsiladihii kala ahaa “ DEELLEEYDII QARNIGA & DIIWAANKII NABADDA” iyo Silsiladii kale  ee Siinleeyda ahayd ee“ SALLAAMALEY” waxaan ugu ducaynaynaa marxuumka in ilaahay janatul firdowsa ka waraabiyo Dhamaanteena Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Aamiin Aaamiin Aaamiin yaa rabbi.

 

Xasan Abiib Faarax(Xasandaaci).

Khaliif Faarax Xayir

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Axmed Xaayoow (Dulmdiid)

Cilmi Axmed Faradheere

Cabdalla Maxamad Sheekh(BBC)

Xasan Bulxan Cali (Bulxan)

Khadar Hassan Aden (Khadar Jinni)

Yaxye Xaashi Maxamd

Bashiir C/raxmaan Diiriye (Quule)

Farxiya Xuseen Cumar

Abdiaziiz Ahmed Mohamed (Xoogsade)

Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”

Maxamed Cabdillaahi Guuleed “Maxamedburco”

Maxamed Cilmi Dhicisow

Kayse Maxamed Xuseen (Kayse galaydh)

Maxamuud Muse C. Caarre

C/laahi Macalin Nuur Xirsi

Mohamed Mohamoud Ibraahim (Xaaji Lacag)

Keyse Shire Saalax-dhegacadde

Cabdirashiid Maxamed cali (Caaqilka)

Xassan Burco

Cabdillahi Ismaaciil Xuseen (Cabdullaahi Shaacir)

Maxammed Yuusuf Cali Abtidoon

C/risaaq Xuseen Guuleed.

Mustafe Nuur Xasan

Maxamed Cali Guuleed

Mustafe Maxamed Cabdi

Xakiima Xasan

Bashir M. Hersi (Diraac)

C/casiis Mohamed (Xasan)

Muxyadiin X. Ciid

Khadiijo Ciise

Xasan Abuukar (Abaaji)

Xasan Garaad Warsame (Garaad)

Abdi Omar Haro

C/raxman M. Bashir (Karaama)

 

Waxaankale oo leenahay  ilaahayoow u naxariiso dhamaan Abwaanadii, Fanaaniintii  kale ee sanadkan iyo sanadihii ka horreeyey tegay ee xasuusta iyo qiimaha ku lahaa dadkooda , kobciyayaashii afka iyo jiritaanka umaddeed.

 

 Geeridu xaq weeye

 Godka lama horaaye

 Geesiga wadaniga h

 Guurtiga garaadka leh

 Gabyaa iyo abwaanka

 Marna kama gabanaysee

 Gaarriye miyuu tegay

 Ma galbaday halyeeygii

 Guuloow allahayoow

 Guri nabad ah gaadhsii

 Aakhiro Godka u nuur

Oo gee janada  udug,

 

Galladee ilaahoow

U gargaar marxuumko

Gadhwadeen islaamoo

Gobonimada jeceloo

U gargaar diintoo

U gurmada miskiinkoo

Geesiya ayuu ahaa

 

Guuloow allahayoow

 Guri nabad ah gaadhsii

 Aakhiro Godka u nuur

Oo gee janada  udug,

 

 

By: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply