LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Tabardarada alshabaab iyo Taageerada Tunweyne Maraykan (Faalo)‏

Mudo kabadan 20 sano ayaa dalka iyo dadka soomaaliyeed kujireen jahawareer,Barakac,Boob,kufsi,iyo weliba Xarakada Alshabaab oo noqotay kooxdii ugu danbaysay kooxaha.

Qaska iyo Qalalaasaha ku xoogaystay,lamana soo koobi karo dhacdooyinka lasoo maray balse waxaase loogu xasuus badan yahay dagaaladii kadhacay xamar xiliyadii ay kusugnaayeen
Ciidamo kakoobnaa 32 dal,sidoo kale waxaa iyaduna xasuus mudan dagaalkii lagu burburiyey kooxdii manaxayaasha looyiqiin (Hogaamiye kooxeedyo)loogana awood roonaaday dagaal
Mudo kooban kasocday magaalada muqdsiho.
  Waxaana weli muuqda burburka uu dhigay dagaal dad badani kudhinteen laguna sheego dagaalkii ugu qasaaraha badnaa dagaaladii kadhacay dalka soomaliya, marka laysku geeyo
  Dagaalkan waa midkii u dhexeeyey kooxdii uu hogaaminayey Sheekh Shariif sh.Ahmed & Ciidamadii Ethiopia oo gacan siinayey Maamulkii TFG, markii lays mariwaayeyna lagu kala
  Nastay xabad-joojin aan miro badan dhalin. Guusha ayaa xooga kujirta cidkastaahi way ogaatay inay been tahay, waxaase weli siisocda dagaal ay wadaan kooxda xilgan u muuqata
  Bil Ramadaan oo labaatan dhaaftay dhamaatay, waxaana arimaha oo dhan ay isbedeleen mar qura markii ay saxaafadu soo bandhigatay madaxdii Dawladii ugu tunka waynayd caalamka
   & Dawladii ugu jilicsanayd oo wada fadhiya hal miis, dadka soomaliyed qaarkood ayaa waxay kumaah-maahan hadiid dhiman wayso geeldhalaa ayaad arkaysaa, taasina maanta waxaa
  Kusagan in badan oo soomali kamid arintana ula yaaban si aan lamalayn karay, waxaana tusaale kuugu filan hadalka kasoo yeeray xisbiyada siyaasad ee maamulka somaliland.
  Ma arin lagu farxo ayey ahayd mise waa mid laga naxo in maamulka soomaliya u dhashay dunidu gacansiintiisa soo bandhigto laguna dhawaaqo in soomaliya loo aqoonsaday sida
  Loo aqoonsan yahay dawladaha Kenya & Ethiopia,waxaana weli aamusan Maamulka Puntland oo isagu kafiirsanaya guusha ay soomalidu heshay, sida ay u hambalyeyn lahaayeen
  Waxaanse layaabay Dadka Mudaharaadka kusoo dhaweeyey meeshii ay taageeri lahaayeen guushaan aan lafilayn, Jubooyinku waxay kamid yihiin dhulka soomaaliyed ee hala fahmo.
   Guntii iyo Gunaanadkii faaladani waxay ka turjumaysaa in baahida soomali haysaahi ay tahay mid qura loona baahan yahay aragti qura layskana ilaabo gobolkeena tuuladeena ,
   Madaxweyneheena,loogana gudbo dalkeena qarankeena calankeena madaxdeena alaha kadhigo kuwo kuguulaysta tubta dawladnimo.
       Suldaan Ali Abdulahi Hassan
       Västerås/Sweden 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply