Friday, May 24th, 2013

Taariikh nololeedka raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya oo kooban

R/wasaaraha Soomaaliya magaciisa waa Dr Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” waa dhaqaal  yahan khibrad dheer u leh dhanka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Saacid Faarax Garaad wuxuu sanadkii 1958 ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dr Cabdi R/wasaaraha dalka waxa uu ka qalinjabiyay jaamacadii  Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr sanadka markii uu ahaa 1983, taas oo uu ka qaatay shahaadada Baajulaar ee dhaqaalaha.

Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 kasoo shaqeeyay wasaaradii maaliyada iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaal yahan halkaas uu 1985 u wareegay ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uuna la soo shaqeeyay shirkadii lagu magacaabijiray Bretton woods instatutions isla markaana uu ahaa aas aasihii iyo milkiilihii shirkada loo yaqaano shirdon international Ltd ilaa 1991.

Dagaalkii sukeeye ee ka dhacay dalka  sanadka markii uu ahaa 1991 ayuu u guuray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya markaas oo uu noqday aas aasihii iyo milkiilihii shirkada looyaqaan shitreco Ltd iyo Shaam.

R/wasaaraha cusub ee dalka ayaa ahaa mudadii uu burka jiray shaqsi u dhuun duleela siyaasada dalka Soomaaliya hadba meesha ay mareyso.

Dr Cabdi Faarax Shirdon ayaa loo doortay May 2012 guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha rajo forum.

Saacid waxa uu leeyaha 4 caruur ah iyo xaas waxaana xaaska R/wasaaraha lagu magacaaba Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply