Taageer Qaranka iskanatuur Qabiilka

<

Waxaan maqaalkan kujeex-jeexaynaa Qiimaha Qaranimdu leedahay & duliga Qabiilku dadkeena baday,waxaana kubilaabaynaa inaan dib-usoo xasuusano dhibaatooyinkii aan soomarnay 22 sano kahor salkana kuhayey kor uqaadista qabiilka & qaloocinka Qaranka.

Waxaana maanta dadka soomaliyeed usoo hoyatay guul dhinacyo badan leh ,waxayna iskamayri doonaan dhibaatadii iyo boorkii uu qabiilku baday waayihii guracnaa ee dalkena soomary. Waxaana mahad usuganatay Eeebe-weyne nagu galadaystay inaan helno qaran toosan una muuqda midkii dadka iyo dalkaba kasari lahaa mugdigii lasoomaray.
Qaranimo waa iftiin Qabiilkuna waa mugdi waxaana taas daliil u ah in kadib markii ay curatay dawlad soomaliyeed oo haysta kalsoonida beesha caalamka, tageerona kaheshay Shacbiga soomaliyeed.
Waxaana dadkeenu xasuustaa waayihii bur-burka,boobka,bililiqada,belo-sheegista,buun-buubninta qabiilka,beelo iskugu faanka, waxaana munaasab ah in maanta intas oo dhan meel layska dhigo lana qaato qaranimada iyo sharafka ummadda usoo hoyday, waxaana uga digaynaa siyaasiyiinta dadka shacbiga kuxirta gobolada inay fasaxaan hadiise ay madax furasho usii haystaan waxay noqon doonaan kuwo gacanta loola tago, mana dhici doonto in dadka lagu siihaysto siyaasado madhalays ah waxbana kasoo baxayn laguna beer-laxowsado waxaan iskunahay qoys ee halay taagero.
  Guntii iyo gebgebadiina shacbiga soomaliyeed maanta indhohoodu waxay hayaan doog-iyo rays waxayna kaguurayaan abaar iyo omos ,siyaasiga weli qaba in dadka lasii haystana wxaan leenahay war intaan meesha laguugu soogelin fasax ummadda danaheeda garatay.

   Suldaan Ali Abdulahi Hassan
    gobanimodoon2011@hotmail.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID