Waxaa guud ahaanba cakiran dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Bay iyo gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Suuqa xoolaha magaalada Baydhabo oo uu ku xiranyahay ganacsiga guud ee magaalada Baydhabo intiisa badan ayaanay jirin wax ganacsi ah ama shaqo ah oo ka socdo maanta ku sadex maalin.
Sababaha suuqa xoolaha Baydhabo uu u xiranyahay ayaa lagu sheegay inay la xiriirto canshuur xad dhaaf ah oo ay kusoo rogeen suuqa maamulka degmada iyo kan gobolka Bay ee dowlada Soomaaliya.
” Marka waaga uu baryo xafiisyadooda ayay imaadaan adiga ayayna shaqo kaa dhiganayaan, canshuur xad ka bax ah ayay dadka ka qaadaan” sidaas waxaa u sheegay Baidoamedia.com mid kamid ah ganacsatada magaalada Baydhabo oo dalbaday inaan magaciisa la adeegsan.
Dhanka kale, Xarakada Alshabaab ayaa ayadana canshuuro ka qaadato gaadiidaka raashiinka ka keeno magaalada Muqdisho ee usoo socda Baydhabo ayaga oo sidoo kalena canshuuro xoolaha loo iib keeno suuqa xoolaha magaalada Baydhabo taasoo ayadana qayb ka qaadatay xirnaanta suuqa xoolaha magaalada Baydhabo.
” Alshabaab xiligii ay magaalada haysatay wax cad ayay canshuurta nagaga qaadi jirtay oo boono ayay noo goyn jirtay balse qolyahaan dowlada wax boono ah maku siinayaan, canshuurtaas unbay iska qaadanayaan gaar ahaan kuwa suuqa xoolaha ka howlgala wax aan jirin ayay dadka u gooyaan” sidaas ayuu mar kale yiri ganacsadaha codsaday innaan magaciisa la isticmaalin sababo xaga amnigiisa ah.
Xafiiska war qabadka
Baidoa media ee Baydhabo Janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com