Suldaankii Beesha Maxamuud Hiraab (Duduble) oo xilkii laga xayuubiyey‏

Shir maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Beder ayna iskugu yimaadeen waxgarad,culumaa,udiin,

Dhalinyaro, Haween loogana hadlayey Arimo khuseeya dhinaca dhaqanka Beesha Duduble, ayaa waxaa hadalo furitaan ah kasoo jeediyey ,Gudoomiyaha Dhaqanka Beesha Duduble Caaqil Jaamaca Rooble Sabariye. wuxuuna hadalkiisa ku

Bilaabay mahad.celin & Bogaadin kadib sida xiligaan xasaasiga ah  ay kusugan tahay xaalada Beeshu wuxuuna ku dheeraaday sidii wax-looga bedeli lahaa sida ay hada xaaladu tahay.

Gudoomiyaha ayaa ugu horaynba kahadlay sida uu xilkiisii uga seexday Suldaan Cabdiqube Qaasim Farey oo xilkaas loo dhiibay mudo 7 sano kahor ah, wuxuuna hoosta kaxariiqay dhaliilaha uu mutaystay ayna kamid tahay xilgudasho La,aan,iyadoo suldaankuna kunoolyahay qurbaha waxbadana uusan kala socon xaalada reerku kusugan yahay.

Dhinaca kale waxaa isaguna warka qaatay wakiilka dhinaca siyaasada ee Beesha Maxamud Hiraab, Sheekh Maxamud Ali Gaban,wuxuuna kudheeraaday arimaha siyaasada iyo sidii ay beeshu u taageeri lahayd maamulka cusub ayna doorkeeda u qaadan lahayd. Sheekh Maxamud ayaa kutilmaamay beeshan inay diyaar u tahay inay lashaayso Dawladda Federralka ah Ee uu Madxada kayahay Madaxweyne Hassan Sh.Mahamud.

Sidoo kale waxaa isna goobta kahadlay Ganacsade Abdi Maxamud Ciid( Dhegacde) wuxuuna dhinaciisa kasheegay inay Munaasab tahay in labuuxiyo Xilka Suldaanka Beesha mudo kusiman 90 cisho lana qabto gudi hawshaas kashaqeya,Waxaana laysku raacay in gudi laqabto, lana diyaariyo shirweyne lagu dooranayo Suldaan cusub. shirkuna wuxuu kusoo Gebageboobay isfaham buuxa.

Xubnaha Shirka Goobjooga ka ahaa,  Caaqil Jaamac Roble Sabriye, Macalin Mahamud Ali Gaban, Maxamed Abdi Farah (Qase), Dr, Osman Abdule Beentay, Yusuf Hassan ( Burashad) Abdulqadir Ali (Buubshe) Abdinuur Iise Fiidow,& xubno kale oo farabadan.

 

             Ali Abdulahi Hassan

             Sweden/ Västerås

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID