Wednesday, June 19th, 2013

Sudan oo ku eedaysay Israa’iil inay duqeysay warshad hubka sameyso oo Khartuum ku taala.

Kadib markii uu dab ka kacay warshada hubka sameysa ee Yarmouk oo ku taala magaalada caasimada u ah dalka Sudan ee Khartuum habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa soo baxayay eedayn ka imaanaysay dowlada Suudaan taasoo ah inay diyaarado laga leeyahay dalka Israa’iil ka geysteen duqeyn warshadaas.

Dabka ka kacay warshada hubka iyo rasaasta ee Yarmouk ayaa waxaa ku geeriyooday 2 ruux halka mid sadexaadna uu ku dhaawacmay.

Wasiirka dhaqanka iyo warfaafinta dalka Sudan Axmed Bilaal Cusmaan ayaa ka sheegay shir jaraa’id ” Waxaan xaq u leenahay innaan jawaab bixino wakhti iyo meel aan xulanay”

Wasiirku waxa uu sheegay inay afar diyaaradood oo nooca raadeerka ka dhuunta ah ay ku lug lahaayeen duqeynta warshada rasaasta iyo hubka ee Yarmouk oo ku taalo koonfurta magaalada Khartuum.

” Waxaan maqlay cod sida diyaarad oo kale ah dhanka cirka, kadibna laba qarax oo waa weyn kadibna dab ayaa ka kacay dhismaha warshada” sidaas waxaa wakaalada wararka AFP u sheegay goob jooge codsaday in magaciisa lagusoo koobo Faize.

Wasaaradaha arimaha dibada iyo difaacada dalka Israa’iil ayaa diiday inay ka faaloodaan eedaynta ay dowlada Suudaan usoo jeedisay ee ah inay diyaaradaha Israa’iil ka dambeeyeen duqeynta loo geystay warshada hubka iyo rasaasta ee Yarmouk.

Wasiirka dhaqanka iyo warfaafinta Suudaan waxa uu yiri, ”Nooca madaafiicda la adeegsaday waxaan haynaa qaarkood oo aan weli qarxin, diyaaradahana si toos ah ayaan u aragnay, waxaasoo dhana waa ay duubanyihiin, cadeyntaasna waxaan hor geynaynaa golaha amaanka ee Qaramada midoobay”

Israa’iil ayaa horay u sheegtay inay Suudaan hubeyso kooxda Xamaas ee ka dagaalanto marinka Qaza aynta oo sidaan oo kale horay u weerartay kolonyo gaadiid ah oo la sheegay inay hub usii wadeen dekeda Port Sudan ee dalka Sudan si loogu dhoofiyo Qaza eedayntaasoo ay Sudan diiday.

Golaha wasiirada Sudan ayaa shir deg deg ah ka yeeshay dhacdada xalay lagu weeraray warshada Yarmouk ayada oo ay ilaa iyo 300 qofoodna banaanka halka ay wasiiradu ku shirayeen ku dibad baxayeen ayaga oo ku dhawaaqayay” Ciidamada Maxamed waa ay soo noqonayaan” cambaareynna dusha uga tuurayay dalka Israa’iil.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply