Kooxda dalka Spain ayaa waxa ay afka ciida u dartay kooxda Faransiiska cayaar qayb ka ahayd Euro 2012 Ukraine iyo Poland taasoo ka dhacday caasimada dalka Poland ee Warsaw.
Cayaarta oo dhex martay labada xul qaran ee Faransiiska iyo Spain oo ahayd mid aad loo sugayay islamarkaasna xiisa gaar ah lahayd ayaa waxa ay labada kooxoodba kusoo bandhigeen xirfadahooda cayaareed inkastoo uu nasiibku ka hiiliyay kooxda xulka qaranka Faransiiska kadib markii 2-0 lagaga adkaaday.
Laacibka dalka Spian Xabi Alonso ayaa labada gool ee lagaga badiyay Faransiiska u saxiixay xulka qarankiisa Spain daqiiqadihii 19aad iyo 90+1 goolka koowaad ayuu madaxa ku dhaliyay cayaaryahan Xabi Alonso.
Goolka labaad ayaa ahaa mid ay kooxda xulka qaranka Spain ku heshay rigoore kaasoo uu si qurux badan u dhaliyay cayaaryahan Xabi Alonso.
Kooxda xulka qaranka Spain ayaa waxa ay hada u gudubtay wareega labaad ee Semifinalka halka kooxda Faransiiskuna boorsooyinkooda ka xir xiranayaan meesha dibna ugusoo laabanayaan dalkooda.
Kooxda Spain ayaa maalinta Arbacada ah waxa ay la cayaari doontaa xulka qaranka Portugal.I
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com