Sunday, May 19th, 2013

SOOMALI YA AHAA AMBO ANI IS TAAWIYE?

Shaky myle ing Digil-i-Mirifle wal usy hindho ingky furumay ku dhiyen kulunki dhowaantung ku dhii Istanbul, Turk.

Ebehey ajar I hasanaad ku siya MAITV meghel abooshey dhe, wal bathyno madi mariithi nynoo dydaboolayiya binaanky haky dhiyeng. Reer Aw-Jaama si ing dhonying wali uursho ky jariya ha tufeng. “Afky-Maayky my jhary; ky dhalythi I ng dhalathi; mey dadkung (D.M) meelo niniskyky jeeyi shaleediyo; dhibki siing deeri mey ng sheegytang…….i wal bathyno any ingty hanky kooby korny” reer Aw-Jaama warshoo haay.

Qhoraalkung weyba jibaab ng eya meselooyinkung hoos ky yaalo walaalkey Hasanow Diraang Eething ha ii hirmaanyooy. Weyba ha I erey:

 

“Dadko Soomali ky noolang Soomali istaawiyaayang maany ng haayny kasaase?

Lang afshey lidiithey af kale kamiiri oo saas ky nooly kasaase?

Af Soomaali ma aha af-Soomali ku hadal ulajeedshe kasaase?

Aalimiinty ilmy buuhang af ky sheegang waayeng kasaase?

Abwaan walgorod e edshey ly waayi kasaase?”

 

Jibaab: Soomalinimy sumudeeya sinny mi iinku dhiyaaso gorytey.

Soomaali isirkeya ky rooge mey oo soora gorytey.

Sed langko ng boorowsey sinny miinku sugaayo gorytey.

Sokeeya iing garbyduube ma saa’ado mi ii qhaathythaaso gorytey.

Afshey ly diithow usi ng nakaathey illisa luku arygey gorytey.

Af-Maay kang diithaw isirka tirtio ky aamo fatheey gorytey.

Aalimiinty ilmyghy buuhang af ky sheegang my waayne gorytey.

Aalimky usy miis dhalnee umuta ku kooyey gorytey.

Umutiyoo imtihaamynga af-Maayky diidey gorytey.

Abwaan wal gorod e edshey ly waayi Iidowa gorytey.

Aajisky haay’y ebehey ku aafiya gorytey.

Hirmaany’y aasy ewa laha ii hirmaanyoyey arygaasana dathoow! Si any unku jibaabo meselooyinkung weyba bilfursy ii naghytey ing any mady hory meel saary udurkung meel salky ky haay’y I tilmaamoshey (symptoms) guud. Mey weeli udurky hoby tilmaamoshey liing goryny wali usy eyiny mey gorythaaw reed daawothisny mal helaaw. Any o taasey tilmaamaw ya wey erey:

 

Sihir lang daari sehewka lyky gorythe

Sir lang wethythony sabysabeeska lyky gorythe

Safar baadii lang ku kooyey sagaal ha dareeri

Siighotha lyky gorotheey siiftisa tilmaang e

Saanqhaaf ira ng wiiny siing quraamed loogha ky yaale

Suulowshe umud kooytiny tilmaan seddi lyky gorythe

Sumud luku faanaw, soohyng tirimaas I siyaasy saarsaar e

 

Hasaney, dhegmy dhegmo koo fujiyaase ly erey, withaayow aniiny kolkeya hirmaany’y ly kooyi. Wey erey:

Sumudis lang ku faana sumud dathoowny ky faanaw goryte?

Soohintis lang tirimaaso sakarto lahaky kuusi goryte?

Lang siyaasothis saarsaar eta shely inii surumaany goryte?

Intaasey haniing roogtoy geeky, jibaabtyny ebehey siing futhuthaay’y. Ebehey ho erooby wey fatheey ing seddiithung tilmaamod tiby goonyshe wal unku ery. Wey taawiyeey ing wal bathyng ii rahy doontang wala bershony ii diithy doontang.

 

 

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

unishef@live.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply