Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Soomaalida Nairobi oo sameysatay dallad mideysa.

Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastlight ama Islii ayaa waxaa lagaga dhawaaqay dallad mideysa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadaas.

Dallada ayaa waxa ay hada kadib wax ka qaban doontaa cabashooyinka iyo baahida ummada Soomaaliyeed ee xaafada Islii oo dhawaanahaanba dhibaatooyin kala kulmayay ciidamada amaanka dalka Kenya iyo kooxo Kenyan ah oo ku kacsan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan halkaas.

Gudoomiyaha dallada ay ku mideysanyihiin dadka Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi Xuseen Maxamed Aar ayaa sheegay inay dhisitaanka dalladaan ka dambeysay kadib markii ay codsatay dowlada Kenya inay Soomaalidu sameystaan dallad ay ku mideysanyihiin si ay dowlada Kenyana ugu fududaato inay xiriir lasoo sameyso Soomaalida.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay dowlada Kenya aqoonsantahay dalladaan islamarkaasna ay 21 bishaan kulankooda ugu horeeya la yeelan doonaan dowlada hoose ee magaalada Nairobi.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID