Friday, May 24th, 2013

SIYAASOOY BARASHA WACAN

SIYAASOOY BARASHA WACAN

RABITAANADA IS DIIDAN

Soomaalida iyo Beesha Caalamka

I. Hordhac

Qoraalkaan aan ku magacaabay ‘Siyaasooy barasha wacan’ waxaan ku dulmari doonaa mowduuc xasaasi ah hayeeshee ka hadalkiisu uu lagamamaarmaan yahay. Mawaadiicda noocaan oo kale ah marka wax laga qorayo waxaa inta badan loo abbaaraa saddex qaab qoraaleed: i) qaab qoraaleed ku dhisan DIBLOMAASIYAD (diplomatic); ii) qaab qoraaleed ku dhisan SIDA UU QABO (perspective); iyo iii) qaab qoraaleed ku dhisan RUNTA BIYA KAMA DHIBCAANKA AH (owful truth). Diblomaasiyad haddaad maqasho sideedaba waa ‘been’ run loo ekeysiinayo; waa in indhahaadoo shanta ah sheyga xaqiiqdiisa lagaa qariyo iyadoo laguugu sawirayo si ka geddisan wax walboo aad kaga hortimaadana aan waxba laga soo qaadin oo howshu halkeedii kasii socoto. Howlahaan waxaa inta badan isticmaala ‘siyaasiyiinta’, waxaadna mooddaa in bulshada dhexdeeda ay ka noqotay wax iska caadiya. Qoraalka ku dhisan ‘Sida uu qabo’ waa inaad wax u qortid ama aad u hadashid/maqashiisid sida uu rabo hadba dhinaca aad iska gadeyso ama aad simbaatiya kaga raadsanayso. Waxaan filayaa in ‘runta biya kama dhibcaanka ah’ aanay iiga baahneyn faahfaahin iyo sharaxaad dheeriya iyadaaba fasiraad isugu filan.

Sideedaba, kolka laga hadlayo dhibaato la xiriirta hab-nololeedka ummad/bulsho way ku adagtahay aadane aan xag Rabbi looga waxyooneynin inuu yiraahdo sababtaa cayiman oo keliya ayaa ka dambeeysa mushkiladdaas. Maxaa yeelay sababaha ka dambeeya mushkiladdaas ummadeed waxay noqon karaan kuwa diimeed ama kuwa maadiyadeed kuwaasoo loo kala qeybin karo kuwa dibadeed (external) iyo kuwo gudeed (internal) misna leh kuwa asal ah iyo kuwa farac ah oo midba midka kale kicinayo taasoo ay ka dhalaneyso inay isku dhex milmaan iyagii laf ahaantooda kolkaasoo ay adkaaneyso kala saariddooda iyo kala hormarintooda hadba sida ay u kala mudan yihiin xal ku raadintooda. Waxaa laga yaabaa in mudda dheer lagu dul wareegaaleysto oo xalka laga baadigoobo sababo iyagaba markoodi hore farac ah, taasoo natiijadeedu ay noqoneyso in dusha uun laga dhoodhoobo xal u raadinta mushkiladda iyadoo aan marna loo dhaadhidhin gunta asalka ah.

Tira badanaa inta jeer ee ‘Shir Dib-u-Heshiisiineed’ lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka. Kuwoodii waxbaa kasoo baxay la is yiri waa kuwii lagu soo dhisay Dowladdii Carta iyo Dowladda Imbagati (waa haddii maamul weliba loogu magac darayo halkii lagu soo dhisay). Maamuladii lasoo dhisay midkoodna kama gadmin shacabka Soomaaliyeed, labadaba waxay natiijadoodu noqotay fashil iyo inay shaqeyn waayaan illeyn waxay ahaayeen maamulo lagu soo dhisay rabitaanka Beesha Caalamka oo keliya. Middaa caksigeeda waa Maamulkii Islaamiga ahaa iyo muddadii lixda (6) bilood ee Midowga Maxkamadaha Islaamka ay ka taliyeen Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Maamulkii Maxkamadaha wuxuu isna ka gadmi waayey Beesha Caalamka illeyn wuxuu ahaa maamul ka dhashay kacdoon shacab ku yimidna ‘rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed’ oo keliya.

Hadday dhacdooyinkaasi ay ka baxeen xusuustaada, waxaan kuu hayaa markaan dhacdo haddeerba socota oo raadkeedu qoyan yahay waa ANSIXINTA DASTUURKA CUSUB. Dhowr sano ku dhowaad ayaa dastuurkii qolaba dacal ka haysatay. Beesha Caalamku waxay doonaysaa inuu hirgalo dastuur u adeega danahooda gaarka ah; halka Soomaalidu ay iyana doonayaa dastuurku inuu noqdo mid u adeega danahooda diimeed, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo mid bulshaba. Qolaba dacal bay ku dhegtay oo waxay diidan tahay in qolada kale ay teeda hirgasho. Qodob hebel halaga saaro iyo qodob hebel halagu daro ayey xaajadu dhaafi la’ayd in muddo ah! Xitaa haddii la anxiyey dastuurkaasi maalinimadii Arbacada 1/08/2012, waxaa weli taagan guux

iyo diidmo iyo shaki weyn oo ay qabaan qaar badanoo kamid ah indheergaradka Soomaaliyeed. Waxaa halkaan ka cad inay jiraan laba rabitaan oo hardan joogta ahi kaga dhexeeyo siyaasadda dalka Soomaaliya, midkoodna aan ogoleyn inuu meesha u baneeyo midka kale. Haddaba, qoramadaan gaaban waxaan wax kaga eegi doonnaa halka ay salka ku hayaan ‘Rabitaanada Is Diiddan ee u dhexeeya SOOMAALIDA iyo BEESHA CAALAMKA.

II. Rabitaanka SOOMAALIDA

Rabitaanka qofka Soomaaliga ahi fidhriyan wuxuu salka ku hayaa Islaamka iyo dhaqan ku dhisan QAB Soomaalinimo. Midda Islaamka haddaan ku hormarno, dabiiciyan, si toos ah ama si dadban, dareenka ruuxiga ahee qofka Soomaaliga – bulshada heerkuu doono hakaga jiree – wuxuu aaminsanyahay in kudhaqanka Diinta Islaamka ay tahay arin MUQADASA. Haddaan si kale u iraahdo, waxaa jira xiriir-is-jiidasho qumman oo u dhexeeya dareenka-ruuxiga qofka Soomaaliga ah iyo kudhaqanka Diinta Islaamka. Xitaa hadduu qofku ka mid yahay ama uu ku dhex jiro howlo iyo siyaasado mabda’iyan kasoo horjeeda Islaamka, haddana waxaad arkaysaa in qofkaas weli aaminsanyahay in kudhaqanka Islaamka uu yahay muqadas. Haddii xitaa siyaasigu aanu rabin kudhaqanka Islaamka wuxuu ogyahay inay shacabka sidaasi rabaan, taasoo ku xambaareysa in mararka qaarkood siyaasado la huwiyo magacyo diimeed si shacabka looga gado.

Midda qabka-Soomaalinimo waxay la xiriirtaa dhaqanka isla qumanaanta qofka Soomaaliga ah. Qofka Soomaaliga ah waxaa lagu yaqaanaa inuu isu arko inuu ka sareeyo, ka fiican yahay, ka nasabsan yahay dhammaan dadyowga kale ha ahaadaan madow, caddaan, casaan, iwm. Ma garanayo inuu ‘qabkani’ ka dhashay abuurista rabbaaniga ah ee qofka Soomaaliga ah; ama inuu yahay mid la xiriira oo ka dhashay dabeecadda bay’adda qallafsan iyo qaab nololeedka ku dhisan isugu-faanka heybta-qabiil. Hadduu ‘qabkani’ noqdo mid uu u dhashay qofka Soomaliga ahi kolkaas waxaa la doonayaa inuu qabkaasi baaqi ku ahaado xaalad walboo is beddesha, laakiin haddii qabku noqdo mid bay’ada uun ka dhashay kolkaas qabkaasi wuxuu noqonayaa mid isla beddela hadba makaanka, xaaladda iyo duruufta shakhsiga. Waxaana rajaxayaa midda dambe maxaa yeelay waxaan aragnaa inay wax badani iska beddeleen qabkaasi markay duruuftii adkaatay gudaha dalka; iyo markii dibadaha dalka la yimid oo qurbaha loo batay. Waxaad mooddaa in wax badanoo dhalanteed ku dhisnaa laga tanaasulay oo cashar laga qaatay wadciga iyo isbeddelka xaaladda siyaasadeed ee caalamka. Waxaanse la dafiri karin wax badanoo muhiim u ahaa jiritaanka ummadeed ahaydna in lala haro ay horey usii raaceen.

Abwaanadeenu waxay dhihi jireen, “……SAN KU NEEFLE MA OGOLI IGA SAREYN KARO……….SOOMAALI BAAN AHAY.” Waxaa marak ma doonta ah, qof walboo la socda siyaasadda Soomaalida maanta, in qabkii Soomaalinimo ee heerkaa gaarsiisnaa uu maantay gaaray meeshii ugu hooseysey amaba la waayo gebi ahaantiiba. Haddaba su’aasha is weydiinta u baahani waxay tahay, “Maxaa jebiyey qabkii Soomaalinimo ee aynu abid ku faani jirnay? Doodeydu ma ahan inuu qabkaasi saxsan yahay ama inaanu saxsaneyn ee waxaan diiradda ku

hayaa keliya maxaa jebiyey qabkaasi.

Si fudud waxaan u dhihi karnaa waxaa dumay oo laga hoos siibay laba tiir waaweyn oo uu dugsanayey qabkaasi: waa QARANIMADII iyo QADIYADDII Soomaalinimo. Qaranimadii Soomaaliyeed markaan burburinay oo aan ku beddelanay QABYAALAD ayay talo gacanta ka baxday. Dabadeed cudur loo yaqaano ‘buufis-qabyaaladeed’ ayaa isku fuuqsaday oo aragii iyo caqligiiba tiray Soomaalida maanta. Waxaase lays weydiin karaa, ‘Soomaalida weligeedba qabyaalad wey isu adeegsan jirtay haddana ‘qabkaasi’ baaqi buu ahaan jiraye maxaa maanta iska beddelay?’

Jawaabtu waxaan u maleynayaa inay noqon karto, ‘Waxaa meesha ka baxay QADIYADDII isu soo dumeysey, ay isku dugsanayeen, ay isugu dub nixi jireen, ay isugu hiilin jireen markay

timaaddo arin iyaga ka baxsan’. Ogoow, ummad walboo jirta waxaa isku haya QADIYAD aaydhiyoolajiyadeed; ha ahaato mid diimeed, mid waddaniyadeed ama mid dhalasho; qaddiyadaasoo ah barta ay ummaddaasi higsaneysoo waxna ku diido waxna ku ogolaato. Haddii la waayo wax qaddiyad ah oo ummaddaas isku xira kolkaa umaddaasi waxay noqotaa mid jahada ay ka lunto: aan kala garaneynin meelay u socoto iyo meelay ka socoto, aan kala garaneynin walaalkeeda iyo shisheeyaheeda, cadowgeeda iyo saaxiibkeeda, gacalkeeda iyo nacabkeeda. Qaddiyada isku haysay Soomaalida waxay ahayd SOOMAALIWEYN, wixii iyadaas saaxiib la ahna ay saaxiib noo ahaayeen wixii iyadaas col la ahna aynu colaadin jirnayoo cadow noo ahaayeen; iyadaasaynu wax ku diidi jirnay waxna ku ogolaan jirnay. Maantase booskeedii waxaa beddelay ku beretan qaddiyad QABYAALADEED oo beel waliba u xusul duubeyso yaan lagaaga hormarin iyo yaan lagaa xigsan wakiilada Beesha Caalamka.

Sababta labaad waa ‘DANEYSTENIMO’ shakhsiyadeed. Beretenkii siyaasadeed ee ay beelahii waaweynaa ee Soomaaliyeed u kala beretameen hoggaaminta siyaasaddii dalka; boobka hantida iyo degaanadii beelihii aan hubeysneyn iyo kuwii laga tirada badnaa; saaxiib la noqoshada iyo kala xigsashada waddamada deriska ah si looga helo taageero siyaasadeed iyo mid milateri ayaa waxaa ka faa’ideystay siyaasi ku socda MAGAC BEELEED hayeeshee hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay siduu u gaari lahaa danihiisa shakhsiyadeed oo keliya. Si uu danihiisa shakhsiyadeed u gaarana uu muqtadiyan leeyahay ajande walboo lasoo hadal qaado isagoon u aaba yeeleynin dal, dad iyo diin toona.

Sababta saddaxaad, burburka Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aaday xilli caalamku uu ka jiro kala guur siyaasadeed caalami ah. Burburkii Midowga Soofiyeeti ka dib waxaa lumay gebi ahaanba isu dheelitirkii quwaddii-siyaasadeed ee caalamka. Caalamka waxaa ku soo haray hal (1) quwad keliya. Quwaddaasoo dowladihii aan markii hore iyada la safka ahaan jirin ku qasabtay inay siyaasad ahaan hoos tagaan wakiiladooda khaaska ah oo lagu wareejiyey go’aan ka gaaridda arimahooda siyaasadeed. Barnaamijka lagu shaqeynayo waa barnaamijka loo yaqaano LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA. Barnaamijkaan asal ahaan wuxuu ahaa qodob ka mid ah shan (5) qodob oo ay koobeysey istiraatiijiyadii caanka ahayd ee EU/Clinton Strategy on Horn of Africa. Qodobkani wuxuu istiraatiijaddaas ugu qornaa sidan: KA HORTAGGA FAAFIDDA ISLAAMKA EE GEESKA AFRICA. Gobolladii horeyba u xarooday ee qaatay dhaqalgelinta barnaamijkaas iyana waxaa loo ogolaaday in lasiiyo aqoonsi dowladeed ay dadka kale dheeryihiin iyo inay sammeeyaan waxoogaa horumar xagga maaddiga ah sida Somaliland iyo Puntland. Qolyihii sanka ka taagay siyaasaddaasina waxaa loo hayaa xarash iyo inaanay waxba u hirgelin. Doorka siyaasadda Digil-i-Mirifle ay ka ciyaareyso siyaasaddaan cusub iyo caqabadaha hortaagan intaba waxaan kaga hadli doonnaa qoraal gaar ah (IA).

III. Rabitaanka Beesha Caalamka

Beesha Caalamka markaan leeyahay waxaan ula jeedaa midda runta ah, waa dadyowga ay talada caalamka ka go’do maanta. Waa Reer-Galbeed uu ugu horeeyo Mareykan. Wixii iyagaas kasoo hara waa wakiilo musarafa ha ahaadaano dalal madax banaan, ururo goboleed iyo ururo caalami intaba. Haddaba, rabitaankooda ku wajahan siyaasadda Soomaaliya muxuu yahay? Rabitaanka Beesha Caalamka wuxuu salka ku hayaa tiirarka iyo mabaadi’da ay aaminsanyihiin dowladahooda. Tiirarkaa iyo mabaadi’daa ay aaminsanyihiin dowladahaas waxay si toos ah uga tarjumayaan rabitaanka shucuubta ay metelaan. Rabitaanka shucuubta ay metelaana wuxuu ka tarjumayaa mabaadi’da ay shucuubtaasi aaminsantahay. Tiir waliba ama mabda’ walboo ay Beesha Caalamka hirgelineyso waa inuu yahay mid marka hore u adeegaya danahooda gaarka ah, kadib ayuunbaa la naashnaashayaa si loogu ekeysiiyo mabda’aasi mid caalamka oo dhami ka dhexeeyo. Haddaba, si aynu wax uga ogaano rabitaanka Beesha Caalamka waxaa lagama maarkaan ah inaynu dabagalno mabaadi’da iyo tiirarka ay ku taagantahay:

1) Faafinta Mabda’a Dimoqraadiyadda;

2) La dagaalanka Argagixisada;

3) Dhisidda Dowlado Maqaarsaara (Regime Change);

4) Adeegsiga Xeerarka Caalamiga;

5) Tunweyni awood milatery iyo mid dhaqaale (Supper Power);

6) Awood Deeqbixineed (Donors).

1. Faafinta Mabda’a Dimoqraadiyadda

Sida aad la wada socotaan, laga soo bilaabo bartamihii qarnigii tegey iyo qarnigaan aan ku jirnaba loolanka ugu xoogga badan ee siyaasadda caalamka wuxuu u dhexeeyey mabaadi’da kala ah: Dimoqraadiyadda, Shuuciyadda iyo Islaamka. Dagaalka ugu kululaa wuxuu u dhexeeyey mabaadi’da Dimoqraadiyadda iyo Shuuciyadda ilaa markii dambe laga takhalusay mabda’ii shuuciyadda waxaana meesha usoo haray mabda’a dimoqraadiyadda. Dowladihii markii hore shuuciyadda aaminsanaa waxaa loo wada beddelay kuwa dimuqraadi ah marka laga reebo Kuuba iyo Shiinaha labadaasoo ay hadda faleebada ku socoto. Mabda’a Dimuqraadiga wuxuu salka ku hayaa furfuridda arimaha dhaqaale, siyaasad, dhaqan iyo mid bulsho. Furfuriddaasi haddaan loo adeegsan si garasho iyo aqooni ku dheehan tahay, waxaa dhacaysa in awooddii tasaruf ee dalalkii yaryaraa ay baaba’do marka laga eego dhinaca dhaqaale, siyaasad iyo dhaqan, taasoo ugu dambeyn keeneysa inay awooddii oo dhami ku ururto dalalka waaweyn.

Tusaale ahaan, burburkii nidaamkii shuuciyadda ka dib Dowladda Shiinaha waxay qaadatay nidaam ku dhisan ‘is beddel ama furfurid tartartiib ah’ (transitional change); halka Dowladda Ruushka ay qaadatay ‘is beddel ama furfurid kacaan degdeg ah’ (revolutionary change). Nooca is beddel ee Shiinuhu ay qaateena wuu guuleystay kii Ruushka uu qaatayna waa lagu khasaaray. Tani waxay tusaale fiican u tahay in is beddel walboo laguu keeno aan layska qaadan karin ee loo baahan yahay in laysu miisaamo faa’iidada iyo khasaaraha uu la imanayo is beddelkaasi. Sidaasoo ay tahay, Beesha Caalamka geed dheer iyo mid gaabanba way u fuushay sidii uu caalamkoo dhami uga hirgeli lahaa Mabda’a Dimoqraadiga. Waxaase weli isku dheggan oo aan kala bixin Mabda’ii Dimoqraadiga iyo Mabda’a Islaamiga.

2. La dagaalanka Argagixisada

Tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti, Islaamku wuxuu noqday mabda’a keliya ee doorbinku u saaran yahay Beesha Caalamka. Waxay isku qanciyeen inuu Islaamku yahay khatarta ugu weyn ee kusoo fool leh, mudan tahayna inayna marna u ogolaanin inuu fido ama uu xoog yeesho. Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha sida gaarka ah isha loogu hayay taniyo waagii gumeysiga, gaar ahaan wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Kacaanka. Waxaa tusaale kaaga filan, istiraajiyaddii Beesha Caalamka (EU/Clinton Strategy on Horn of Africa) ee ku wajahnayd Geeska Africa. Istraatiijiyaddaas waxay ka koobnayd shan (5) qodob waaweyn; mid kamid ah qodobadaasi wuxuu ahaa, “KA HORTAGGA FAAFIDDA ISLAAMKA EE GEESKA AFRICA”. Labaatankii (20) sanno ee ay Soomaaliya dowlad la’aanta ahayd, sanad ama dhowrkii sanno kadib waxaa la qabanayey shir siyaasadeed (magacii ladoono haloogu yeeree). Mid ka mid ah ujeeddooyinka loo qabanayey shirarkaasi waxay ahayd in lagu ogaado bal heerka ay joogto iyo halka ay ku wajahantahay rabitaanka siyaasadeed ee Soomaalida. Dhammaadka shirarkaasi waxay inta badan ama mar waliba lasoo hadal qaadayey KITAAB iyo ISLAAM, taasoo Beesha Caalamka u ahayd tuse (indicator) inaanay weli siyaasadda dalka Soomaaliya u bislaalin ama gaarin heerkii ay ka rabeen, kolkaasay farriinka u qabanayeen. Waxaad arkeysey iyadoo Beeshii Caalamku kasoo horjeeddo natiijooyinkii kasoo baxay isla shirkii ay iyagu shaleyto qabanqaabinayeen, hanti fara badanna ay ku bixiyeen. Sababtu wax kale ma ahayne, rabitaankii Beesha Caalamka ayaa meesha laga waayey.

3. Dhisidda Dowlado Maqaarsaara (Regime Change)

Tobankii sanno ee ugu dambeysay Beesha Caalamka waxay meel dhigatay inaan caalamka dushiisa ka jirin dowlad aan iyagaas raacsaneyn. Wixii loo taak waayo waa halkeed, laakiin dhammaan madaxdii dowladihii caalamka waxaa lagu khiyaar geliyey inay siyaasad ahaan is dhiibaan ama inay booska u banneeyaan kuwo kaloo maqaarsaanimada ogol. Dowladihii waxay noqdeen kuwa xoog looga qaado; kuwa siyaasad (doorasho dhalanteed ah) looga qaado; iyo kuwo weli ay faleebadu ku socoto oo la daba joogo. Haddii dowladihii dhisnaaba sidaa loo galayo, maxay kula tahay meel aan marka horeba dowladi ka jirin sida Soomaliya oo kale? Waa warkeedaba daa! Waxaa ka go’an Beesha Caalamka inaanay Soomaaliya ka dhalanin dowlad awood leh oo dalalka deriska ah la tartami karta. Waxaa laga yaabaa inay qaarkiin is weydiiyaan, “Haddaba maxay u ogolyihiin qolyaha Islaamiyiinta Qunyarsocodka ah”? Jawaab: Qunyar-socodka hadda la ogol yahay wuxuu qunyar-socod ku noqday jiritaanka kuwo kale oo mayal-adag. Mar haddii kuwa mayalka-adag laga adkaado oo ay booska banneeyaan, kuwa hadda qunyar-socodka ah baa waxay gelayaan booskii mayal-adkaanta kolkaasaa iyana waxaa lagu beddelayaa kuwa iyaga ka qunyar-socodsan.

4. Adeegsiga Xeerarka Caalamiga (U.N.)

Maxay yihiin Xeerarka Caalamiga ah? Marka lasoo hadal qaado xeerarka caalamiga ah waxaa maskaxdaada kusoo degdegaysa Qaramada Midoobay (UN), Golaha Ammaanka (Security Council), Beesha Caalamka (International Community), ururo-qaaradeedyo iyo ururo-goboleedyo badanoo kuwa hore hoos yimaada. Haddaynu ka abbaarno halka ugu sarreysa, asal ahaan Jamciyadda Quruumaha Ka-Dhexeysa (United Nations) waxaa loo aasaasay looguna talagalay xallinta, difaaca, horumarinta iyo isku xirka danaha Beesha Caalamka. Dabadeed ayaa dalalkii kale ee Muslim iyo Gaalo intaba lehna midba markiisa ku biireen iyagoo codsiyo iyo araaji u qortay inay ka mid noqdaan Jamciyaddaas iyo ururada hoos yimaada si ay uga faa’ideystaan xuquuqo ay is leeyihiin waad ka heleysaan. Ma jiro dal ama dowlad lagu qasbay inuu ka mid noqdo ururadaas. Soomaaliya ka dowlad ahaan waxay xubin ka tahay Jamciyadda Quruumaha Ka-Dhexeysa (U.N.), Ururka Midowga Africa (A.U.), iyo Urur-Goboleedka IGAD haddaan soo qaadano inta naga khuseysa keliya.

Xubinnimada Jamciyaddaas iyo ururada hoos yimaada waxay leeyihiin XUQUUQ iyo WAAJIBAAD. Xuquuqaha waxay isugu jiraan kuwo maaliyadeed, kuwo siyaasadeed iyo kuwo ciidan (milateri) intaba. Haddaynu soo qaadano qodob ka mid ah xuquuqaha xubinimo wuxuu oranayaa, “In la dhowro jiritaanka, madaxbannaanida, karaamada iyo sharafta (sovereignty) dalka xubinta ka ah Jamciyadda Quruumaha Ka-Dhexeysa”. Waa su’aale, xuquuqdani xaggee bay ka martay dalka Soomaaliya? Maxaa loo ilaalin waayey sharafta iyo karaamada dalka Soomaaliya muddo labaatan sano ah? Waxaad xusuusataan sanadihii aan soo dhaafnay kolkii fowdada siyaasadeed ka dhacday dalka Kenya, isla markiiba inta loosoo gurmaday ayaa la xalliyey. Maxaa siyaasadda Soomaaliya sidaa si lamid ah loola tacaali waayey?

Dhanka kale, waajibaadka ka ratibmaya xubinnimadaas waa kuwo u dhigma xuquuqda ka ratibantay xubinnimada. Waxaa ugu horeeya, “In dalka xubinta ah uu u hoggaansamo fuliyana dhammaan Xeerarka, Qawaaniinta, Awaamiirta, Rabitaanka Beesha Caalamka”. Waxa weeya xuquuqdii kuu go’day baad waxaad ku beddelaneysaa fulinta waajibaadka lagaa doonayo shuruud la’aan. Haddii si loo eego waa arrin caddaalad ku dhisan maadaama aad bilaa jujuub ogolaatay waayo waxaa la yiri, “Gaalka Dil Gartiisase Sii”. Soomaalidu waxay doonaysaa in dhibaato walboo ku dhacda loo xaliyo, horumarkooda laga shaqeeyo – isla markaana aanay u hoggaansamin awaamiirtooda! Hal meel isugu aada Soomaaliyeey; inaad iska ilowdo luflufka Beesha Caalamka haddaadan u hoggaansameynin rabitaankooda; ama inaad qaadato luflufkooda una hoggaansantid awaamiirtooda. Haddaba, xubinnimada aad arjiga u qoratay dabadeedna

laguu ogolaaday iyo luflufka aad sidaa ku qaadanayso weeye sababta Beesha Caalamka ay xaqqa ugu yeelatay inay farageliso arrimahaada gaarka ah.

5. Tunweyni Awood Milatery iyo Mid Dhaqaale (Supper Power)

Tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti, dowladda Mareykanka waxay noqotay dalka ugu tunkaweyn xagga awoodda ciidan iyo midda dhaqaale (Supper Power) marka la barbardhigo dalalka kale ee caalamka. Haddaba, Supper Power muxuu yahay? Ragga wax ka odorasa culuumta siyaasadda waxay ku qeexaan kalmada Supper Power sidan, “Dalka quwada weyn wuxuu leeyahay awood uu ku saameeyo (farageliyo) qaabka nololeed, dhaqaale, iyo go’aan qaadasho ee dal kale oo xor ah”. Haddaba, si loogu aqoonsado sifadani, dalka quwada weyni wuxuu isku waajibiyaa xil ka weyn midka dalalka kale ka saaran arrimaha caalamka marka loo eego xagga maalgelinta hay’adaha ku shaqada leh socodsiinta Xeerarka Caalamiga ah. Micnuhu waxa weeye qarashka ugu badan ee ku baxa hay’adaha caalamiga ah isagaa bixiya si uu cod kama dambeys ah ugu yeesho shirarka caalamiga ah. Arrintani waa mid heshiis lagu yahay in dalka awoodda ugu-weyn lihi uu xilkaa guto, dalalka kalana ay isaga uga dambeeyaan wajahadda arimahooda siyaasadeed, dhaqaale iyo tan bulsho intaba. Soomaaliyana xubin bay ka tahay Jamciyadda, Golayaasha iyo Ururada ogolaaday awooddaan gaarka ahee la siiyey ‘the Supper Power’.

6. Awood Deeq Bixineed (Donors)

Dalalka caalamka waxaa loo kala saaraa laba qeybood waaweyn: i) deeq bixiyaasha (donors) iyo ii) deeq qaatayaasha (receivers). Deeq-bixiyaasha waa dalalka waaweyn oo uu ugu horeeyo Mareykanka. Deeq-qaatayaashana waa dalalka kale gaar ahaan dalalka soo koraya oo ay ugu horeyso Soomaaliya. Deeqaha caalamiga ah waxaa lagu bixiyaa ujeeddooyinka kala duduwan waxaase ugu waaweyn: i) ujeeddo siyaasadeed; ii) ujeeddo dhaqaale/ganacsi; iii) ujeeddo gargaar aadaminimo. Labada ujeeddo ee hore weeye kuwa asalka ahee deeqaha lagu bixiyo, ujeeddada saddexaad (gargaar aadaminimo) oo baraxtiran waxaa la yiraahdaa haddayba jirto waxay ka suuragashaa keliya markuu gargaarkaa ka dhacayo gudaha Beesha Caalamka. Maxaa yeelay asal ahaan halkii doolar ($1) ee deeq ahaan loo bixiyo waa inuu ku celiyaa deeqbixiyaha ugu yaraan wax u dhigma afar doolar ($4) faa’iido diimeed, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ganacsi. Sidaa darteed, aad bay u yaryihiin bixinta waxa loo yaqaano ‘gargaar aadaminimo’ baraxtiran keliya. Tusaale ahaan, haddii miisaaniyadda deeqda laguugu talagalay sannadkaasi ay ku baxdo ‘shir-dib-heshiisiineed’ laguu qabtay, waxay Beesha Caalamka ka sugeysaa maxsuulka kasoo baxa shirkaasi inuu gebi ahaanba ama ugu badnaan uu noqdo mid ka tarjumaya rabitaankooda.

7. Gabagebo

Ujeeddada qoraalkaygaan waxay ahayd keliya inuu wax yar ka iftiimiyo sida ay isugu baadi maqan yihiin dadyowga kala metela labada rabitaan. Iftiimintanina waxay faa’ideyn doontaa inay ugu yaraan is bartaan labada qolo (gaar ahaan Soomaalida), qolo walibana ay ogaato waxay dooneyso midda kale si uu u fududaado is fahamkooda iyadoo qolo waliba u caddahay waxa ku jira maanka qolada kale. Waxaan aaminsanahay maadaama labada rabitaan ay dabada kula jiraan mabaadi’ ad-adagoo asaasiya aad buu u dheeraan doonaa hardanka ka dhexeeya siyaasadaha ay kala metelayaan. Xalka ugu wanaagsanna, sida aan u maleynayo, waa in DIB-U-HESHIISIIN dhab ah la dhex dhigo WASHINGTON iyo TOORABOORA si dunidu ay waxoogaa maalmo u nasato.

DADKY NOOGHEY NEEBSINENG.

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com

 

 

 

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply