Saturday, May 25th, 2013

Siyaasiyiin caan ah oo dib loogusoo celiyay oday dhaqameedyadii soo xulay.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caan ah ayaa dib loogusoo celiyay oday dhaqaameedyadii kusoo daray liiska xildhibaanada cusub ee uu baarlamaanka cusub ee uu dalka Soomaaliya yeelanayo.

Xildhibaanada dib loosoo celiyay ayaa waxaa ka mid ah Prof. Cabdiraxmaan Ibbi, Dr C/casiis Sheekh Yuusuf oo ah wasiirka caafimaadka ee xukuumada uu xiligeedu gabaabsiga yahay, Cabdulaahi Sh Cismaaciil, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xaaf, Maxamed Isaaq Afaraale oo lagu haysto inay ka qayb qaateen dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Shariif Yacquub iyo xildhibaano kalena waxaa dib loogusoo celiyay inay soo buuxin waayeen sharuudahii looga baahnaa oo ay ugu horeyso xaga aqoonta.

Horay ayaa rag badan oo dagaal oogayaashii Soomaaliya kamid ah dib loogusoo celiyay oday dhaqameedyadooda arintaas oo ay ku farxeen aqoonyahano kasoo jeedo beelahooda oo markii ugu horeysay fursad u helayo inay soo galaan baarlamaanka cusub.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply