LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

HORTA DEY REEDKA DEY HOOSTA WALA YAALONY DEY.

Siyaasadda Digil-i-Mirifle

Qeybta 3aad

“Dal dahanoo barwaaqaa, dahabka uu dhex jiifo, dusha sarana dalagga, durduraan webiyada, deeqi ay ka buuxdaa daa’in nagu manaystee, ma duugowdo taariikhdee, deminkii horee dhowaa darajada raggeediyo door waa taan ahaynee, demankaan la joogase, dabadareer siyaasadeed, door aan la qaadan iyo dulligani muxuu yahay?”

Qoraal qabyo kama dhammee, qeybtii koowaad ee maqaalka waxaan ku qaadaadhignay siyaasadda aan ku magacownay ‘HORTA DEY’ oo ku wajahnayd dulmiga Beesha Hawiye iyo siyaasaddooda dhulboobka ku dhisan ee degaanada DHOOBEY (Shabeellada Hoose). Middaa caksigeeda, qeybtii labaad ee maqaalka waxaan ku eegnay siyaasadda ‘REEDKA DEY’ oo iyana ku wajahnayd dulmiga Beelaha Daarood iyo siyaasaddooda dhulballaarsiga ku dhisan ee degaanada Jubbooyinka ka hor iyo ka gadaal burburkii dowladdii Siyaad Barre. Qeybtaan saddexaad waxaan iyana ku falanqeyn doonnaa siyaasadda aan ugu magac darnay ‘HOOSTA WALA YAALONY DEY’.

Siyaasaddaan aan ugu magac daray ‘HOOSTA WALA YAALONY DEY’ waa siyaasad wax ka taataaban doonta dulmiga siyaasadeed ee ay isku hayaan ama ka socda gudaha beelaha Digil-i-Mirifle. Sidaad wada garanaysaan, siyaasad sideedaba waxay ka koobantaa laba qeyboodoo waaweyn: ‘siyaasad gudeed iyo siyaasad dibadeed’. Siyaasadda gudaha ee ay ummadi leedahay weeyaan halka ay salka ku hayso laba xaaladood middood: horumar ama horumar la’aan siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho intaba. Siyaasadda gudaha markay hagaagto ayuunbay hagaagi kartaa siyaasaddaada dibadeed. Taa micnaheedu waxa weeye, xiriir is jiidasho qumman (positive correlation) ayaa ka dhexeeya siyaasadda gudaha iyo midda dibadda. Sida sooyaalka taariikheed ee umadaha ku xusan, burburkii ummadihii iyo bulshooyinkii hore waxaa inta badan loo aaneeyaa siyaasad xummo gudaha uga timid. Ummadi inay marka hore gudaha ka dunto mooyee sinnaba loogaga adkaan kari maayo duullaamo kaga yimaada dibadda; duullaamadaasi noocay doonaan ha lahaadaan mid siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaalaba.

Haddaba, kolka laga hadlayo siyaasadda gudaha ee Digil-i-Mirifle waxaa markiiba maskaxdaada kusoo daadegeysa sawirka ah: ‘ummad duullaamo kala duduwani kaga imanayaan dibadda xag siyaasad, dhaqan iyo bulsho oo iyadiina (waa Digil-i-Miriflee) tabar daran, aan hubeysneyn, kala daadsan oo lagu tumanayo’. Haddaan sawirka sidaa u dhigno wuxuu micnihiisu noqonayaa in dulmiga siyaasadeed ee na haysta uu ka imanayo keliya dibadda oo aan annagu wax qeyb ah ku lahayn. Xaqiiqduse sidaa wey ka geddisan tahay, dulmiga siyaasadeed ee aan isku hayno gudahayaga ayaa ka daran midka siyaasadeed ee dibadda nooga imanaya, waayo dulmiga siyaasadeed ee gudahayaga weeyaan midka u sahlay dulmiga dibadeed inuu si sahal ah ku gaaro danuhuu ka lahaa ummaddani: dad iyo degaan ahaanba. Haddaba si aynu iskula jaanqaadno waxaa muhiim ah inaan sawir kooban ka bixino saddex xaaladood (waqti) oo ay ummaddani soo martay siyaasad ahaan, waa i) siyaasaddii laga hagayey XEEBAHA IYO WEBIYADA; ii) siyaasaddii GEELJIRAHA; iii) SIYAASADDA MAANTA IYO SAADAASHA MUSTAQBALKA; iv) iyo GUNAANAD.

SIYAASADDII XEEBAHA IYO WEBIYADA

Wixii ka horeeyey soo gelitaankii gumeysigii reer-Yurub, geyiga Digil-i-Mirifle waxaa ka jiray nidaam dowli ah oo dhammeystiran. Nidaam dowli ah oo ay u dhammaayeen haykalkii dowladnimo: siyaasad, dhaqaale, bulsho, difaac, dhalasho bixin, dejin qaxooti, iwm. Waqtigaan waxaa siyaasadda Digil-i-Mirifle hormuud u ahaa oo laga hagayey dhankaa iyo XEEBAHA, WEBIYADA iyo BEERALEYDA. Waxaa si rasmiya labada dacal (xuduudaha) uga shaqeynayey Saldanadii GELEDI, TUNI, JIIDO oo ka howlgalayey jiidaha Webi Shabeelle iyo boqortooyadii GASAARAGUDE oo iyana ka howlgalaysay Webi Gannaane. Waagaas siyaasaddu waxay ahayd mid ay QADDIYADI garwadeen ka tahay oo waxaa lagu mideysnaa magaca iyo siyaasadda Digil-i-Mirifle. Waxay ahayd siyaasad loo dhan yahay oo ay garabka is haystaan DIGIL, MIRIFLE, GIBILCAD, reer-GOLEED, JAREER iyo JILEEC; siyaasiyiintii waagaas talada hayeyna siyaasadda Digil-i-Mirifle wejigaa dhammeystiran ayey u yaqaaneen. Taasoo ay ka dhalatay in xudduuda dhuleed ee Digil-i-Mirifle ay kasoo roganto bartamaha magaalada Xamar taniyo xudduuda Kenya ilaa xudduuda Itoobiya dhinacaana cuskata Gobolka Hiiraan. Xudduudaa waxaa soo gelayey gobollada: Banaadir, Sh/Hoose, Baay, Bakool, Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose. Dadweynaha dega degaanadaasina metelaad iyo ka qeybgal buuxa oo siyaasadeed bay ku lahaayeen talada siyaasadeed ee nidaamkii dowladeed ee jiray.

SIYAASADDII GEELJIRAHA

Laga soo bilaabo xilligii gumeystaha waxaa hoggaanka siyaasadda Digil-i-Mirifle tartiib-tartiib usoo gelayey dadkii GEELJIRAHA ahaa ilaa ay markii dambe si toos ah talada ula wareegaan xilligii dowladdii Siyaad Barre iyo wixii ka dambeeyey. Maxaa wacay, siyaaadihii dowladihii dalka soo maray waxay si ula kac ah howlgab uga dhigeen maamuladii boqortooyooyinkii talada ummadda Digil-i-Mirifle ka hagayey Webi Shabelle iyo Webi Gannaane, howlgabnimadoodasoo horseeday inay lunto isku xirnaantii talada ummadeed iyo inay halkaa ku burburto maamulkii dowladeed ee Digil-i-Mirifle. Taladii waxay markani gacanta u gashay GEELJIRIHII Digil-i-Mirifle oo ka faa’ideystay booskii ay banneeyeen maamulladii horey u jiray ee Digil-i-Mirifle. Eeddu ma ahan maxay talada ugu wareegtay GEELJIRAHA Digil-i-Mirifle, ee eeddu waxay tahay cilladihii ay la timid iyo talaxumadii ka dhalatay SIYAASADDII GEELJIRAHA taasoo horseeday dib-u-dhaca siyaasadeed ee aynu maanta dul hagoogannahay.

Haddaba, muhiim weeye inaynu wax ka taataabano waxyaabihii ay soo darrisay SIYAASADDII GEELJIRAHA Digil-i-Mirifle:

1) Jahawareer dhalasho (identity crises): Markii ugu hoseysey abid siyaasadda Digil-i-Mirifle, siyaasaddii geeljiruhu waxay la timid cudurka siyaasadeed ee loo yaqaan JAHAWAREER DHALASHO (Geeki mariithi). Cudurkanoo laysla ogolyahay in ummaddii uu galo tiirarka u siibo ilaa ay ka dunto. Waa markii ugu horeysey ee ay soo shaacbaxdo masuul Digil-i-Mirifle ah oo ka faanaya SUMMADIISA Reewinnimo. Waa markii ugu horeysey oo la arko saddex masuul Digil-i-Mirifle ah oo mid waliba metelayo dano siyaasado beelo kale oo kala shaaganayaan (Geeki Mariithi): midkood wuxuu difaacayaa danaha siyaasadeed HAWIYE ee ku aaddan Digil-i-Mirifle; midka kalana wuxuu difaacayaa danaha siyaasadeed ee DAAROOD; kan saddexaadna wuxuu difaacayaa danaha siyaasadeed ee reer-DIREED. Dib-u-dhacii siyaasadeed ee ku yimid siyaasadda Digil-i-Mirifle xilligii kalaguurka xornimada laga qaadanayey

gumeystaha waxaa inta badan loo aaneeyaa laba wejiilanimadii siyaasadeed ee ay cayaareen masuuliyiintii horboodayey SIYAASADDA GEELJIRAHA ee Digil-i-Mirifle.

2) Maamulxumo Siyaasadeed: Siyaasaddii Geeljiraha waxay awood u yeelan kari weyday inay isku hayso dhammaan dadyowgii kala duduwanaa ee ku mideysnaa QADDIYADA siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle. Taladii siyaasadeed waxay ka dhigeen mid iyaga (GEELJIRAHA) uun ku kooban, taasoo meesha ka saartay doorkii siyaasadeed ee bulshada inteeda kale ku lahaayeen go’aan qaadashada siyaasadeed. Dhaqamada siyaasadeed ee noocan ah waxaad si fiican uga dheehan kartaa siyaasaddooda la xiriirta markay timaaddo WAX WADA QEYBSIGA siyaasadeed. Tusaale waxaa kaaga filan qaabka maamul ee mar waliba loo dhiso ‘maamulka caasimadda Digil-i-Mirifle ee Baydhabo, Baay’. Caasimad sideedaba waa muraayadda halka laga hago siyaasadda dhammaan degaanada hoos yimaada maamulka ay caasimadda u tahay, sidaa darteed, waxaa laga maarmaan ah in masuuliyiinta maamul ee caasimadda ay si isle’eg uga kala yimaadaan gobollada ay caasimadda u tahay. Nasiib darro, SIYAASADDII GEELJIRAHA waxay maamulkii caasimadda ka dhigeen mid iyaga uun ku kooban (SAGAAL I SIYEED)! Maxaa marka diidaya inaad noqoto ama laguugu yeero dadka kasoo jeeda Baay iyo Bakool? Yaa ii fasiri kara maamulka caasimadeed ee lagu soo koobay SAGAAL I SIYEED keliya sida uu u meteli karayo dadweynaha Digil-i-Miriflaha iyo kuwa gacansaarka siyaasadeed la lahaa ee dega ARBACA-RUKUN, GOLWEYN, DHOOBEY, WANLAWEYN, JUBOOYINKA, IWM?

3) Kala Faquuqid Bulsho: Siyaasaddii GEELJIRAHA waxay horseedey inay qeybo badanoo hormuud ka ahaa siyaasaddii Digil-i-Mirifle ay siyaasadda ka fadhiistaan ama ay faraha kala baxaan, qaar badanoo kamid ahna ay quus ka taagan yihiin qaabka ay wax u socdaan. Dadkii markii laga xirmaaniyey siyaasaddii D.M. ayey waxay noqdeen kuwa siyaasad ahaan ku biira JAREER WEYNE, Beelaha Shanaad; iyo kuwo hadda jidka sii haya oo doonaya inay ku biiraan beelo kale. Arimahaasoo dhan waxaa sabab u ah siyaasadda faquuqa ku dhisan ee ay la yimaadeed GEELJIRAHA Digil-i-Mirifle. Waxaa horey loo yiri, “NIMAAN TALIN JIRIN HADDUU TALIYO NIMAAN TEGI JIRIN BAA TAGA”. Waxaa meesha yimid siyaasi geeljire ahoo Digil-i-Mirifle u yaqaana SAGAAL I SIYEED!

SIYAASADDA MAANTA IYO SAADAASHA MUSTAQBALKA

Nasiib darro, siyaasadda Digil-i-Mirifle ee ay horseedka ka yihiin GEELJIRAHAYAGU waxay maantadaan aan joogno mareysaa meel aad iyo aad u hooseysa. Dad iyo degaan midkoodna ma fayooba. Sidaan horey usoo sheegnay, dadkii markii laga xirmaaniyey siyaasaddii D.M. ayey waxay noqdeen kuwa siyaasad ahaan ku biira JAREER WEYNE, Beelaha Shanaad; iyo kuwo hadda jidka sii haya oo doonaya inay ku biiraan HAWIYE, DAAROOD iyo DIR. Degaan ahaan haddaan ka hadalno, shaleyto ayey ahayd markaan siyaasadda wax ka fahmayey degaanada Digil-i-Mirifle waxay ahaayeen toddoba (7) gobol, waxaa laga soo bilaabi jiray Masjidka Arbaca Rukun (bartamaha Xamar). Dabadeed waxaa xigay in sannooyinkaan dambe degaanada Digil-i-Mirifle lagu soo koobo lix gobol keliya waxaa meesha laga saaray Gobolka Banaadir. Waqti xaadirkaan aan joognana waxay siyaasaddu

mareysaa in saddex (3) gobol keliya maamul loo dhiso. Haddaanay wax iska beddelin siyaasadda maanta, waxaan kaloo qiyaasayaa inay midda xigta ay noqon doonto in laba (2) gobol keliya maamul loo dhiso, waa Baay iyo Bakool; iyo weliba in maamulkaas (Baay iyo Bakool) uu noqon doono maamul wadaag ah oo ay beelo kale kula wadaagaan degmooyin badanoo ka mid ah labadaa gobol. Ugu dambeyntiina waxaan ka baqayaa inuu dhaco ISKU DARANKII (UNION) ay ku taamayeen dadka aaminsan GEEKI MARIITHI kolkaasoo dadka iyo degaanada D.M. ay noqdaan kuwa u kala qeybsan DIR, DAAROOD iyo HAWIYE. Waxaan sidaa ugu maleynayo waa annigoo isku xiraya ‘siyaasaddii geeljiraha ee GEEKI MARIITHI oo qaangaar noqotay’ iyo ‘waaliddiin badanoo caruurtooda afka u beddelaya (maxaatiri)’. Tani miyaan loo qaadan karin in jiilka cusub ee afka laga beddelayo (maay to maxaatiri) uu yahay jiil marxalad soo socota loo diyaarinayo?

GUNAANAD

Waxaa nasiib wanaag ah in awoowayaasheen aanay nooga tegin maamul dhisan keliya ee ay nooga tageen qaabkii aan ula tacaali lahayn hadday wax naga halaabaan. Waxay nooga tageen qaaciddada oranaysa ‘SOOHING DHUNTI APA LING NAGHE’. Sidaa darteed, waxaan ku talinayaa sidan soo socota:

1. In dib loogu noqdo qaab-maamuleedkii siyaasadeed ee ummaddani ay ku dhaqmi jirtay waagii hoggaanka siyaasadda laga hagayey/hagayeen XEEBAHA, WEBIYADA iyo BEERALEYDA.

2. In dowlad-goboleedka la dhisi doono uu noqdo mid si dhab ah uga tarjumaya dhammaan dadka, degaanada, siyaasadda iyo qaddiyadda Digil-i-Mirifle ee aanu noqon mid magac u yaal ah.

3. In dib loo soo nooleeyo una howlgalaan siyaasad ahaan Saldanaddii Geledi (Afgooye) iyo Boqortooyadii Gasaaragude (Luuq Gannaane) si ay u soo noqoto taladii dhuntay ee ummaddani lahayd.

4. In dib loo soo nooleeyo gacansaarkii siyaasadeed ee ka dhexeeyey GIBILCAD iyo Digil-i-Mirifle.

5. In caasimadda siyaasadeed ee Digil-i-Mirifle loo wareejiyo magaalada Marka, Gobolka Shabeelada Hoose.

6. In la sammeeyo SHIR-SANADEED GUUD ay isugu imanayaan dhammaan odayaasha iyo waxgaradka beelaha Digil-i-Mirifle si uu u kordho iska warqabka, isku xirnaanta, wadatashiga ka dhexeeya ummadda isla markaana ay uga arinsadaan arimahooda gaarka ahee siyaasadeed.

Haddaan siyaasadda maanta aanay wax iska beddelin, haddaan laga faa’ideysanin fursaddaan hadda la haysto ee dowlad-goboleedka loogu sammeynayo D.M., ifafaalooyinka muuqdaana (summud luku faanaw, soohing tirimaas i siyaasa saarsaar e) aanay ku cajab gelineynin wallee waxaan la hureynin inay natiijadu noqon doonto UMUT SUULOWSHE KOOYI.

 

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia unishef@live.com

XUSUUSIN: Qoraalkani kuma wajahna geel ama geeljire toona ee wuxuu ku wajahan yahay inuu wax ka iftiimiyo SIYAASADDA GEELJIRAHA iyo waxyeelada ay u geysatay siyaasadda D.M. Ma jiro colaad gaar ah oo aan u hayn karo geela ama geeljiraha toona maxaa yeelay annigaba aabahay intaanu askar u noqon talyaanigii wuxuu ahaa geeljire reer-Sarmaaneed (Bakool) ah, sidoo kale midka noogu weyn (walaalkey) wuxuu ahaa geeljire intaanu magaalada soo gelin oo aanu askari noqonin. Marka yaan marna loo qaadan inaan si gaar ah u bartilmaameedsanayo geeljirahayaga.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>