Siyaasada Arimaha Dibada Soomaaliya Ma Safaarad iyo Safar uun baa?

<

Soomaaliya 22 kii saneo ee ugu dambeeyay waxaa dhibaatooyinka gaajada iyo xasiloonidarida u dheeraa dawlad kumeel gaadh ah oo umadu u arkayeen rajo dawladnimadii soomaaliyeed kusoo noqonayso, laakiin madaxda katalinaysay ay ka haysteen Dawladnimadaa sawir kale , oo ahaa .Soomaaliya waligeed Dawlad noqonmaysee Dacalada buuxso.

Dhibaatooyin badan baa dhacay intii dawladnimadu dhacsanayd , hadii la is dhaho halasoo tira koobana lama soo wada tira koobikaro.

Arinta maqaalkayga kusaabsan yahay waa , Siyaasada Arimaha dibada ee dalka.

Marka laga hadlayo siyaasada arimaha dibada , waxyaalo badan baa soo hoos galaya, laakiin ta ugu muhiimsani waa kawarhaynta shacabka soomaaliyeed meelahay aduunka kaga noolyihiin iyo siday u wada nool yihiin.

Waan ognahay oo dawladaan hada jirtaa malaha awood ay kulasocoto xaalada muwaadiniinteeda sababtoo ah waa dawlad curdin ah, oo hada mudo bilooyin ah dhisan laakiin waligaa la isma yaso ee dadaalbaa la sameeyaa.

Waxaa waxyaalo laga xumaado ah in dawladii hore ee tagtay wasaaradeedii arimaha dibada ay heshiisyo lagashay wadamo badan oo Yurub kamida sidii dib dalkooda loogu celinlahaa dadka soomaalida ah ee magangalya doonka ah ee yurub caga hooda kuyimi.

Arin laga xumaado weeye laakiin dawladana waan sugaynaa waxay latimaado iyana.

Waxaa maanta gilgilay magaalada muqdisho mudaharaad ay soo abaabuleen hooyooyin iyo aabooyin dagan magaalada Muqdisho kaas oo ay walidiintaasi markii ugu danbeeyay boodhadh lasoo hor istaageen golaha shacabka (baarlamaanka).

Dadkaasi waxay ahaayeen hooyooyin iyo aabooyin ay saameeyeen dagaaladii sokeeye iyo dhaqaalaxumadii wadanka dib ula hadhay .

Muhiimada mudaharaadkaan waxa uu ku salaysnaa waydiisashada caawimaad dawladaan jirta iyo baarlamaanka si ay ugusoo daayaan ilmahooda kuxidhan dalal badan oo kamida aduunka, haba ugu bataan, Libya, Talyaaniga, Isbayn, Tanzania IWM sida laga soo tabiyay SNTV.

Dhalinyaradaan waxay wadanka ka carareen tobankii sano ee ugu danbeeyay ayaga oo laqabsan waayay xaalada xun ee kataagan dhamaan gayiga Soomaaliyeed. una raadinayay mustaqbal fiican naftooda iyo waalidkooda ay ogyihiin xaalada ay kunoolaayeen.

Ilaa hada dhalintaani waxay xidhan yihiin qaarkood, 3,5.7.10 sano Ayaga oon wali la horkeenin wax cadaalada oo xukunta dambiga ay galeen dadkaan mustaqbaldoonkaa mana aysan helin xitaa ilaahada dowlada Soomaaliyeed oo si adag uga hadasha arimahaan.

Maanta dawladaan Soomaaliya kajirtaa siyaasadeeda arimaha dibada waxay isugu soo biya shubatay xoog saarida arimaha Safaaradaha iyo Safarada lagu tagayo dalalka dibada.

Waa khalad, siyaasada arimaha dibada wadanku saas maaha,

Laakiin ilaa hada waxaa hadhay waxyaalo badan oo looga gola fadhiyo Wasaarada Arimaha dibada. Midna , waalidiintaan maanta mudaharaadka kasameeyay muqdisho waxay caawimaada kasugayaan waa Wasaarada arimaha dibada.

Waan awoodi karnaa in aan wadan kale kala wada xaajoono, caawimaad waydiisiga iyo taageero laakiin wasaarada arimaha dibadu way ka aamustaa kahadlaka xaquuqda umada Soomaaliyeed ee kunool wadamada ay heshiisyada lagasho. Nasiib daro!

Waxaan rajaynayaa in aan arko dowlad isu taagto baahiyaha shacabka Soomaaliyeed tustana in haddii xataa aysan lahayn awood ay hayaan dadaal.

 

Abshir Anbashe Elmi

Abshir32@gmail.com

Sweden.

 

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID