Monday, May 20th, 2013

SIDA LOOGA CIIDAY MAGAALADA ÖREBRO EE SWEDEN.(SAWIRO)

Maanta oo ay aheyd maalintii kowaad ee Bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga 1433, tan miilaayadda 19 August 2012, ayaa waxaa lagu qabtey salaada ciida Masaajidka weyn ee ku yaala Magaalada Orebro, ee dalka Sweden.
Dadweyne farabadan oo gaaraya ilaa 2000 (labo kun) oo qofood oo ka kala yimid, Magaalada Örebro, ee Sweden iyo tuulooyinka ku dhow ay ku tukadeen Masaajidka Örebro. Masaajid Örebro, waxa uu ku midyahey Masaajidka Muslimiinta ee ugu weyn eek u yaala Wadankan Sweden.

Khudbadii Salaada ee Ciidda, ayaa iimaamka waxa uu halkaas ugu duceeyay dhamaan Muslimiinta aduunka , khaas ahaan, muslimiinta Suuriya, Somalia, Burma , Afgaanisktaan , Ethiopa iyo dhamaan aduunka oo dhan, Kuwaas oo uu iimaamka ku tilmaamey iney heystaan dhibaatooyin kala duwan , ayna la qeybsanaayaan dhibaatadaas.
Dadweynaha ku tukadey masaajidka ayaa isu hambalyeynayey munaasabada Ciida, iyada oo wejiyadooda ka muuqato farxad iyo reynreyn.

 

CIID MUBAARAK.

BAIDOAMEDIA
ÖREBRO, Sweden

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply