Saturday, May 25th, 2013

Shirkii xariirka caalamiga ee Rome oo goor dhow lasoo geba gebeeyay.

Shirkii labadii cisho ee ugu dambeysay ka socday magaalada caasimada u ah dalka Talyaaniga ee Rome ayaa goor dhow lasoo geba gebeeyay.

Shirka oo uu kasoo baxay war murtiyeed ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa kamid ah in mudada 20 Agosto lagusoo oo ah mudada loo asteeyay dhameystirka xiliga KMG iyo taabagelintiisa iyo sidoo kale ansixinta dastuurka cusub ee uu dalka Soomaaliya yeelanayo sidoo kale lagusoo xulayo xubnaha baarlamaanka cusub uu yeelanayo.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa waxa ay ku amaaneen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya arimaha xaga amaanka iyo weliba qabsashada gobolada cusub ee dalka ee ay horay gacanta ugu haysay Xarakada Alshabaab.

Filo goor dhow war murtiyeedka shirka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply